Hordhac: Man United vs Copenhagen – Red Devils Dagaalkooda Europe League Sii Wadaya, Wararka Labada Dhinac & Shaxaha Macquulka Ah

Man United ayaa dhawaan u duushay dalka Germany ee lagu ciyaarayo tartanka UEFA Europe League iyagoo kulan wareega siddeed dhammaadka tartankaas ah caawa la ciyaaraya kooxda Copenhagen xilli ay koobkaas rabaan markoodii labaad saddex sano gudaheed.

Copenhagen ayaa markii ugu horreysay taariikhdeeda soo gaadhay wareegan siddeed dhammaadka ee Champions League kaddib guul ay kasoo gaadheen kooxda Istanbul Basaksehir.

Dhinaca kale, kaddib markii ay qaab wanaagsan balse daal badan kusoo dhammaysteen tartamada maxaliga ah, tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa inta badan xiddigaha muhiimka ah ee kooxdiisa nasiyay kulankii lugta labaad ee LASK ay dhawaan la yeesheen.

Man United oo lugtii hore ee wareega 16-ka 5-0 kusoo xaaqday LASK ayaa guul cidhiidhi ah oo 2-1 ah ka gaadhay kooxdaas ciyaartii labaad.

Kulankaas dambe ayuu Solskjaer daqiiqado ay aad ugu baahnaayeen siiyay xiddigo mudo keyd soo ahaa balse uu sidoo kale kusii xaqiiqsaday aragtidii ahayd in farqi weyni u dhaxeeyo shaxdiisa koowaad ee uu ku dagaal galo iyo xiddigaha keydka ugu jira.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR

Da’yarka daafaca garab ee Brandon Williams ayaa booska daafaca bidix kusoo bixi doona isagoo sii buuxin doona halka uu baneeyay Luke Shaw oo isagu koobkan oo dhan dhaawac ku seegaya.

Ciyaaryahanada kale ee boosaska aan goolka ahayn ka ciyaaraya ayaa la filayaa in shaxdii kulankii LASK uu kaliya ka ciyaari doono kabtan Harry Maguire xilli xiddigo ay kamid yihiin Paul Pogba, Fernandes, Rashford, Martial iyo Greenwood dhammaantood ay shaxda kusoo laaban karaan.

Dhinaca kale tababaraha Copenhagen ee Solbakken ayaa la filayaa inuu isbedelo yar ku sameeyo shaxda kooxdiisa ee wacdaraha soo dhigtay kulankii Arbacadii.

Varela oo qayb kasoo ahaa Man United isla markaana 11 jeer usoo ciyaaray xilli ciyaareedkii 2015-16 ayaa kusoo bilaaban doona booska daafaca midig.

Jonas Wind ayaa loo tix-gelinayaa mid kamida xiddigaha ugu halista badan Copenhagen kaddib markii uu laba gool iyo caawimo kasoo sameeyay ciyaartii Arbcadii.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Kulankan

Man United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Williams; Pogba, Matic; Greenwood, Fernandes, Rashford; Martial

Copenhagen: Johnsson; Varela, Nelsson, Bjelland, Boilesen; Mudrazija, Zeca; Biel, Wind, Jensen; Kaufmann

Xogta Kooban Ee Kulanka

Tartanka: Europe League

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Rhein Energie Stadion

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.