Hordhac: Man City vs Arsenal | Pep vs Mikel – Kulanka Xiisaha Badan Ee Maanta, Saadaasha, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararkii U Dambeeyey

Labadii saaxiib ee hore ee dhowaanta noqday xafiiltameyaasha ee Mikel Arteta iyo Pep Guardiola ayaa mar kale maanta iskaga hor iman doona garoonka Etihad Stadium, halkaas oo ay labadooduba ay ugu dagaallami doonaan sidii uu mid walba guushiisa u gaadhi lahaa.

Manchester City ayay ciyaartani u timid xilli ay waqti xun ku jiraan oo ay shan dhibcood oo kaliya ka shaqaysteen sagaalkii dhibcood ee suurtogalka ahaa, isla markaana ay kaalinta 10aad kaga jiraan miiska kala-sarraynta kooxaha, halka Arsenal ay sagaal dhibcood haysato oo hal guul-darro oo kaliya oo ahayd ciyaartii Liverpool ay lasoo kulmeen.

Jamaahiirta Arsenal ayaa astaamo ay ku farxaan ka arkayay kooxdooda markii ay iska hor yimaaddeen Manchester City ee ay kusoo garaaceen wareegga semi-finalka tartanka FA Cup, sidoo kalena ay Chelsea iyo Liverpool oo laba jeer ah ka adkaadeen muddadii koobnayd ee Mikel Arteta uu xilka hayay.

Marka ay Sabtida maanta ku kulmaan garoonka Etihad Stadium, Man City waxay tegi kartaa siddeed dhibcood oo horyaalka ah haddii ay guuleysato, laakiin Gunners ayaa iyaduna tegi doonta 12 dhibcood oo hoggaanka ku qabsan karta Everton oo afartii ciyaarood soo wada badisay balse maanta ay Liverpool ballansan yihiin.

Tababare Mikel Arteta ayaa niyadda ku haya in haddii uu garaaco Manchester City ay kooxdiisu awood iyo kalsooni badan ba ka heli doonto kulankan oo ay siddeed dhibcood ka sarrayn doonto kooxdii horyaalka ku guuleysatay labada sannadood ee xidhiidhka ahayd ka hor intii aanay Liverpool ku garaacin xili ciyaareedkii hore, waxaanu dardaaran adag sii siiyey ciyaartoyda kooxdiisa si ay taatikada ay ku jabin karayaan Pep Guardiola iyo kooxdiisa ay ula yimaaddaan.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Manchester City vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 7:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Etihad Stadium

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Manchester City waxa ciyaartan ka maqan xiddigeeda Kevin de Bruyne ee sannadkan ku guuleystay abaal-marinta PFA ee laacibkii ugu fiicnaa Ingiriiska, waxaana uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Belgium iyo England ee garoonka Wembley.

Guardiola ayay dhibaato weyn ku tahay in uu waayo xiddiga ugu muhiimsan kooxdiisa, kaas oo waliba toddoba gool kusoo lug yeeshay siddeedii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay Arsenal iska hor yimaaddeen.

Raheem Sterling oo isagana dhaawac muruqa ah uu kasoo gaadhay ciyaarihii caalamiga ahaa ayaa kasoo kabtay, waxaana uu taam u yahay ciyaartan, laakiin Gabriel Jesus ayaan shaqo ku lahayn kulankan.

Ilkay Gundogan ayaa kusoo bilaaban kara ciyaartan kaddib markii uu kasoo bogsaday Korona Fayras.

Dhinaca Arsenal, waxay calaamad-su’aal saaran tahay Pierre-Emerick Aubameyang oo xuilka qaranka Gabon laga soo fasaxay markii uu haleelay dhaawac laakiin intii ka dambaysay ayaa uu kasoo kabtay, waxaanu Arteta rajaynayaa inuu kusoo bilaabi doono.

Kabtanka Arsenal ayaa ka dhaliyey Manchester City labadii gool ee ay Semi-finalkii FA Cup ku garaaceen, waxaana markan ay iskaashan doonaan Willian iyo Lacazette.

Waxa kale oo Arsenal ugu soo bilaaban doona Thomas Partey oo ay kala soo wareegeen Atletico Madrid.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Manchester City: Ederson; Walker, Dias, Laporte, Mendy; Foden, Rodri, Gundogan; Bernardo, Mahrez, Sterling

Arsenal: Leno; Bellerin, Luiz, Gabriel, Tierney; Ceballos, Thomas, Saka; Willian, Lacazette, Aubameyang

Saadaasha kulanka

Saadaalo kala duwan ayaa laga bixiyey ciyaartan, waxaana inteeda badan guusha loo badiyey dhinaca Arsenal, iyadoo khabiirka Mark Lowrsenson ee BBC Sports uu saadaaliyey in 5-2 ay Arsenal ku badin doonto.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.