Hordhac: Crystal Palace vs. Manchester United – Xaaladda SADDEX Ciyaartoy Oo Ka Dhaawacmay United, Shaxda Macquulka Ah Iyo Isbeddellada Solskjaer Samaynayo

Manchester United ayaa u halgami doonta sidii ay uga midho dhalin lahayd hammigooda ugu weyn oo ah inay afarta kooxood ee ugu sarreeya ka mid noqdaan, marka ay caawa safarta ugu Crystal Palace oo ay isku haleelayaan kulanka 36aad ee horyaalka Premier League.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer iyo xiddigihiisa ayaa fursad dahabi iska lumiyey ciyaartii ay Isniintii ku garoonka Old Trafford ku martigeliyeen Southampton, waxaanay si buuxda u fadhiisan lahaayeen haddii ay guuleysan lahaayeen kaalinta saddexaad.

Laakiin gool uu waqti hore ka dhaliyey Stuart Armstrgong, qaladkiisana uu iska lahaa Paul Pogba ayay United ku baddashay laba gool oo saddex daqiiqadood u dhexeeyeen oo ay kala dhaliyeen Marcus Rashford iyo Anthony Martial, hase yeeshee Michael Obafemi oo beddel kusoo galay ayaa daqiiqaddii 96aad goolka barbarraha ka dhaliyey xilli uu garsooruhu siidhiga afka ku hayey oo uu doonayay inuu dhameeyo.

Kulamada 35aad oo sidoo kale laga adkaaday Chelsea iyo Leicester City ayey kooxaha ku tartamaya kaalmaha saddexaad, afraad iyo shanaad sidooda ahaayeen oo aanay waxba iska beddelin, marka laga yimaaddo in Red Devils ay hal dhibic sare usoo kacday oo ay la sinnaatay Foxes oo goolasha ku horreysa.

Marka la eego natiijooyinka lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League ay ka keeneen labadan kooxood, Leicester City shantii kulan ee ugu dambeeyey ba waa laga badiyey, waxaana guul ugu dambaysay ciyaartii lixaad, waana sababta ay kaalinta 14aad ee horyaalka ugu dageen.

Laakiin Man United ayaa soo guuleysatay afar ciyaarood, labada kalena barbarro soo gashay, iyadoo guud ahaan aan 18aad oo tartamada oo dhan ah laga badin.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Crystal Palace vs Manchester United

Tartanka: Premier League, Kulamada 36aad

Waqtiga: 10:15pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Selhurst Park

Wararkii u dambeeyey ee labada kooxood

Palace waxa ka maqan weeraryahanka reer Belgium ee Christian Benteke oo kaad cas qaatay kulankii Aston Villa, waxaanay taasi fursad siinaysaa Jordan Ayew oo noqon doona weeraryahanka dhexe ee hoggaamin doona safka kooxda tababare Hodgson.

Ayew waxay isku kaashan doonaan sidii ay difaaca United u dhibaatayn lahaayeen xiddiga orodka badan ee Andros Townsend oo dhinaca midig kaga soo bilaaban doona, laakiin waxa Palace dhibaato ku ah Gary Cahill, Jeffrey Schlupp iyo James Tomkins oo dhamaantood laga daaweynayo dhaawacyo soo gaadhay, waxaase Hodgson nefis yara siinaya Martin Kelly oo kasoo laabtay dhaawac.

Dhinaca Manchester United waxa ciyaartii Southampton ay dhaawacyo soo gaadheen Luke Shaw iyo Brandon Williams, waxaanay taasi dhibaato ku noqon doontaa Solskjaer inkasta oo aan la xaqiijinin haddii ay ciyaartan seegayaan. Laakiin waxa uu difaaca bidix u isticmaali karaa Digo Dalot oo kasoo kabtay dhaawac.

Kulankii Southampton waxa kale oo Manchester United kaga dhaawacmay xiddiga da’da yar ee Mason Greenwood oo lagaga istaagay kuraanta, taas oo keentay in macallinka reer Norway uu cadho muujiyo dhamaadkii kulanka, iyadoo uu si cad u weeraray Oriol Romeu oo uu ku eedeeyey inuu badheedh u dhaawacayay.

Solskjaer waxa la filayaa in kulankan uu isbeddel ku samayn doono kooxdiisa maadaama uu daal ka muuqday ciyaaryahannada ugu muhiimsan Isniintii, taas oo ay u dheer tahay in Axadda ay ballansan yihiin Chelsea oo ay semi-finalka FA Cup wada ciyaari doonaan.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Crystal Palace: Guaita; Ward, Sakho, Dann, Van Aanholt; Milivojevic; Townsend, McCarthy, Kouyate, Zaha; Ayew

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Williams; Fred, McTominay; James, Fernandes, Rashford; Martial

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.