Hordhac: Chelsea vs Crystal Palace – Blues Oo Guul-raadinaysa, Palace Oo Jabkii United Oo Kale La Maaggan, Shaxaha Macquulka Ah & Wararkii U Dambeeyey

Chelsea ayaa raadinaysa inay hesho guusheedii labaad ee xili ciyaareedka marka ay maanta duhurka garoonkeeda Stamford Bridge ku qaabbisho Crystal Palace, laakiin kooxda martida ah oo iyaduna qaab ciyaareed fiican ku jira ayaa waxay doonayaan in Blues jilbaha dhulka ugu dhuftaan, sidii Manchester United oo kalena ay saddexda dhibcood uga qaataan.

Kooxda tababare Frank Lampard ayaa kulankii ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League waxay dirqi ku heshay barbarro ay waqti dambe u dagaallantay, waxaana qaybtii hore 3-0 ku hoggaaminaysay West Brom oo kasoo dallacday heerka labaad. Waxa kale oo ugu sii xigtay in Tottenham ay kasoo reebtay tartanka Carabao Cup oo ay rikoodheyaal lagu soo garaacay.

Blues ayay u tahay maalin xaasaasi ah oo ay ku qasban yihiin inay guuleystaan si ay calaamatu-su’aasha saaran tababare Frank Lampard meesha uga saaraan, haddiise laga adkaado, waxa uu mulkiilaha Chelsea u degdegi doonaa inuu raadiyo tababarihii shaqada kala wareegi lahaa Lampard.

Guushii ay horyaalka ku bilowdeen ee Brighton, waxa ugu xigtay guul-darradii ay Liverpool isla garoonkooda Stamford Bridige ugu xambaarisay, waxa u raacday barbarrihii West Brom oo qaybta hore lagu hoggaaminayey 3-0 ka hor intii aanay xilli dambe soo gaadhin goolasha, iyo EFL Cup (Carabao Cup) oo ay Tottenham kusoo garaacday, waxaanay ka dhigantay in afartii ciyaarood ee illaa hadda ay Blues dheeshay ay kaliya hal ciyaar badisay.

Kooxdan oo xagaagan lasoo wareegtay saxeexyadii ugu badnaa kooxaha Premier League marka loo eego, waxay u baahan tahay inay si fiican iskula jaan-qaadaan laacibiinteeda cusub, sida Timo Werner iyo Kai Havertz, iyadoo uu dhaawac kasoo laabanayo Hakim Ziyech, laakiin goolhaye Edouard Mendy uu kulankiisii ugu horreeyey u saftay ciyaartii Tottenham, sidoo kalena uu Thiago Silva dheelay kulankii West Brom oo uu qaladaad sameeyey. Saxeexa kale ee Ben Chilwell ayaa isaguna ciyaartii u dambaysay xidhnaa funaanadda kooxdiisa.

Dhinaca kale, Crystal Palace ayaa Manchester United kusoo garaacday Old Trafford, waxa uga sii horreysay guul ay xili ciyaareedka ku furteen oo ay ka gaadheen Southampton waxaana labadan guulood ba mahaddeeda iska lahaa Wilfried Zaha, laakiin Everton ayaa dhexda u gashay oo 1-0 ku khaarajisay.

Xogta kulanka:

Ciyaarta: Chelsea vs Crystal Palace

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 2:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Stamford Bridge

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Mendy ayaa la filayaa inuu ciyaartiisii ugu horreysay kusoo bilaaban doono, iyadoo uu booska ka cidhiidhsanayo Kepa Arrizabalaga iyo Willy Caballero.

Werner ayaa ciyaartii Carabao Cup ee Tottenham waxa uu awoodi kari waayey inuu laagto rikoodhihiisii maadaama uu dareemayay xanuun, waxaana shaki la gelinayaa heerka taam ahaanshihiisa shan maalmood kaddib kulankaas, hase yeeshee ma jirto cabsi weyni, waxaana la sheegayaa inuu soo kabtay oo uu diyaar u yahay ciyaartan.

Lampard ayaa xaqiijiyey in Christian Pulisic uu kusoo laabtay kooxdiisa oo uu kasoo kabtay dhaawacii, laakiin Hakim Ziyech ayaa wali usii baahan waqti uu kusoo kabto.

Billy Gilmour ayaa dhaawac waqti dheer ah ku maqan, waxaana aan ciyaartan shaqo ku yeelan doonin Marcos Alonso kaddib markii ay isku dhaceen Lampard waqtigii nasashada ee ciyaartii West Brom.

Alonso, Antonio Rudiger iyo Ruben Loftus-Cheek waxa intaba la sheegayaa inay ka tegayaan kooxda maalmaha kooban ee suuqa iibka ciyaartoyda ka hadhsan.

Dhinaca Crystal Palace, waxa dhaawacyo kaga maqan Gary Cahill, James Tomkins, Patrick van Aanholt iyo Nathan Ferguson. Sidaas oo kale, Michy Batshuayi ayaan awoodi doonin inuu ka hor tago kooxda uu amaahda kaga yimid ee Chelsea, taas oo ka dhigan in afka hore ay wadaagi doonaan Wilfried Zaha iyo Jordan Ayew.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Chelsea: Mendy; James, Christensen, Thiago Silva, Chilwell; Kante, Kovacic; Mount, Havertz, Werner; Abraham

Crystal Palace: Guaita; Ward, Kouyate, Sakho, Mitchell; Townsend, McCarthy, McArthur, Eze; Ayew, Zaha

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.