Hordhac: Barcelona vs. Napoli – Fursaddii Xili-ciyaareedka Ay Ku Badbaadsan Lahayd Barca, Napoli Oo Niyad-jabka Iska Maydhaysa, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararkii U Dambeeyey

Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou caawa ku qaabilaysa Napoli oo ay foodda isku dari doonaan lugta labaad ee wareegga 16ka tartanka Champions League, iyagoo kulankii hore ee waddanka Talyaaniga ka dhacay kusoo kala baxay 1-1.

Barcelona oo soo qaadatay xilli ciyaareed aad u adkaa oo ay laba tababare isbaddaleen, isla markaana Setien oo shaqada badhtamihii xilli ciyaareedka ay warqaddiisa erigu qoran tahay, waxay caawa u baahan yihiin inay xili ciyaareedkooda badbaadsadaan oo ay Napoli ka adkaadaan si ay hore ugu sii socdaan wareegga siddeeda iyagoo rajaynaya inay illaa koobka oo ay ugu dambaysay 2015 ay tegi karaan.

Natiijada lugtii hore ee Naples lagu soo ciyaaray, waxay Barca u tahay mid togan oo goolka ay kusoo dhashatay garoonkaasi uu ka caawin karayo inuu culayska ka yareeyo, iyadoo xataa haddii barbarro goolal la’aan ah lagu qabto ay soo gudbi doonaan.

Antoine Giezmann ayaa goolkaas usoo dhaliyey qaybtii labaad iyadoo uu meesha ka saaray gool guusha siinayay Napoli oo qaybtii hore uu u dhaliyey Driez Mertens.

Daliilka ugu weyn ee ay Barcelona haysato, waxa uu yahay in bandhiggii liitay ee horyaalka ay kaga soo kabanayaan rikoodhka wanaagsan ee ay ku haystaan kulamada Champions League ee ay garoonkeeda ku ciyaarto iyadoo 35kii ciyaarood ee ciiddeeda loogu yimid aan mar kaliyana lagaga adkaanin, taas oo ay u dheer tahay in 15kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay kooxo Talyaani ah iska hor yimaaddeen ay 12 ka mid ah guuleysteen.

Dhinaca kale, Napoli oo xili ciyaareedka niyad-jab kaga dhamaysatay horyaalka Serie A, isla markaana kaalinta toddobaad ka gashay iyagoo 16 dhibcood ka dambeeyey Lazio oo kaalinta afraad fadhiday, waxay u baahan tahay inay hurdada ka kacdo oo ay meel iska saarto Barcelona.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey tartanka Champions League, Barcelona waxay badisay lix ka mid ah, labada kalena waxay gashay barbarro, halka Napoli ay afar barbarro ah iyo laba guulood soo heshay.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Barcelona vs Napoli

Tartanka: Champions League, lugta labaad ee wareegga 16ka.

Natiijada lugtii hore: Barca 1-1 Napoli

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Camp Nou

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Barcelona waxa dhaawac kaga maqan difaaca dhexe ee reer France ee Samuel Umtiti, halka ay Sergio Busquets iyo Arturo Vidal ay ganaaxan yihiin.

Ousmane Dembele ayaa tababarka kusoo laabtay isaga oo kasoo kabtay dhaawac, laakiin laguma soo darin liiska ciyaartoyda kulanka caawa, waxaase taam ah oo kusoo laabtay garoonka Griezmann, Clement Lenglet iyo Fredie de Jong oo dhamaantood dhaawacyo ahaa, halka Ivan Rakitic uu filayo in ciyaarta lagu soo bilaabo.

Luis Suarez oo ciyaartii hore ee Napoli ka maqnaa, ayaa hoggaamin doona safka weerarka, waxaanay is garabsan doonaan Lionel Messi iyo Antoine Grizmann.

DhinacaNapoli, Kostas Manolas ayaa dhaawac cidhibta kasoo gaadhay ku maqan, laakiin waxa kooxda Talyaaniga ah farxad geliyey Lorenzo Insigne oo lagu soo daray liiska ciyaartoyda kooxda iyadoo uu ka cabanayay dhaawac muruqa ah.

Insigne ayaa dhaawacu gaadhay ciyaartii toddobaadkii hore ay la ciyaareen Lazio, waxaanu maalmihii ugu dambeeyey qaadanayay tababar aan cuslayn, taas oo shaki gelinaysa haddii ciyaartan uu fursad ka heli karo.

Nikola Maksimovic ayaa sidoo kale la halgamaya dhaawac waxaase diyaar ah qalbi-asadka difaaca ee Kaliodou Koulibaly oo lugtii hore ku seegay dhaawac balse caawa hoggaamin doona safka kooxdiisa.

Fabian Ruiz oo khadka dhexe ah ayaa ku laabtay waddankiisa Spain si uu usoo garaaco Barcelona, waxaanay khadka dhexe isku kaashan doonaan Piotr Zienlinski iyo Diego Demme.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Pique, Lenglet, Alba; Roberto, Rakitic, De Jong; Messi, Suarez, Griezmann

Napoli: Ospina; Hysaj, Di Lorenzo, Koulibaly, Mario Rui; Ruiz, Demme, Zielinski; Callejon, Mertens, Insigne

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.