Hordhac: Aston Villa vs Arsenal – Gunners iyo Villa Oo Xaalado Adag Ku Jira, Sida Kooxda Arteta Kusoo Geli Karto Europa League Iyo Shaxaha Macquulka Ah

Aston Villa oo u dagaallamaysa inay hesho guul ay kaga badbaado inay heerka labaad u dhacdo ayaa garoonkeeda Villa Park ku martigelinaysa Arsenal oo iyaduna u ordaysa inay sare usoo kacdo si ay boos uga heli karto tartanka Europa League oo u muuqanaya in aanay macquul ahayn.

Kooxda tababare Dean Smith oo kaalinta 18aad kaga jirta horyaalka, waxay saddex dhibcood ka hoosaysaa Watford oo 17aad fadhida, halka Gunners ay tobnaad u dhaadhacday blase ay rajo ka qabto in sidii ay u garaacday Manchester City iyo Liverpool ay usii wadan karto guulaha labada kulan ee u hadhay, waxaana inkastoo ay adag tahay wali xisaab ahaan suurtogal ah inay Europa League yimaaddaan, waa se haddii laga adkaado dhamaan kooxaha kale ee ka horreeya.

Arsenal waxay xili ciyaareedkan ku jirtay dhibaatooyin waaweyn, waxaana dhamaan 36kii ciyaarood ee fasal ciyaareedkan ay soo dheeleen ay kaliya guuleysteen 13 ciyaarood, waana caddaynta musiibada weyn ee ku habsatay kooxdan.

Laakiin intii uu yimid tababare Mikel Arteta ayay horumar sameeyeen, gaar ahaan qaab ciyaareedkooda, waxaase dhibaato ku noqday barbarro tiro badan oo ay soo galeen.

Guushii ay ka gaadheen Liverpool iyo middii xigtay ee ay semi-finalka FA Cup ku garaaceen Manchester City, waxay siisay tababare Arteta inay gasho kalsooni ah inuu kooxda hore u wadi karayo oo xili ciyaareedka dambe ay ka beddelnaan doonto sida ay hadda tahay.

Haddii ay ciyaarta maanta guul ka gaadhaan Aston Villa, waxay Arsenal soo dul boodi doontaa Burnley iyo Sheffield United oo kulamadooda ciyaaray, waxaanay soo geli doontaa kaalinta siddeedaad, laakiin waxayna laba dhibcood ka dambayn doonaan Tottenham oo toddobaad fadhiya iyo Wolves oo saddex dhibcood kaga haynaysa kaalinta lixaad.

Spurs iyo Wolves oo laga badiyo min halka ciyaar ee u hadhay iyo Arsenal oo soo guuleysata, goolal tiradoodu ka badan tahay shan na soo dhalisa, waxay tegi doontaa Europa League iyaodo ku dhamaysan doonta kaalinta lixaad.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, Aston Villa waxay guuleysatay hal mar oo kaliya, laba barbarro ah iyo saddex laga badiyey, laakiin Arsenal waxay kulamadeedii ugu dambeeyey ee lixda ahaa ee Premier League uga wanaagsanaayeen inta badan qaybihii hore ee horyaalka. Afar guulood, mid barbarro ah iyo hal ciyaar oo laga badiyey ayey Gunners soo heshay kulamadan.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Aston Villa vs Arsenal

Tartanka: Premier League, kulamada 37aad

Waqtiga: 10:15pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Villa Park

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Villa waxa ka maqan oo dhaawac ka ah Wesley, Thomas Heaton iyo Bjorn Engels, halka Neil Taylor oo waxyeello kasoo gaadhay muruqa uu isaguna liiska xagga dambe kaga biiray.

Tababare Dean Smith, waxa kaliya oo farxad geliyey in Kortney Hause uu dib ugu soo laabtay kooxda, kana soo doogay dhaawac uurku jirta ah, laakiin waxa la filayaa inuu kaydka fadhiyi doono oo uu Ahmed Elmohamady dhinaca midig kusoo bilaaban doono, waxaana shaxda uu kusoo geli doono ay noqon doontaa 4-3-3.

Dhinaca Arsenal, Mikel Arteta ayaa la filayaa inuu isbeddel ku sameeyo safkii uu kula ciyaaray Manchester City, waxaana albaabka soo garaacaya Rob Holding, Cedric Soares, Lucas Torreira iyo Bukayo oo dhamaantood doonaya in lagu soo bilaabo kulanka.

Eddie Nketiah ayaa kasoo laabtay saddex ciyaarood oo ganaax ah, halka Ozil oo kasoo kabtay dhaawac aan la hubin haddii uu Arteta ciyaarsiin doono.

Bern Len o, Gabriel Martinelli, Calum Chambers iyo Pablo Mari ayaa dhamaantood dhaawac ku maqan, sidoo kalena, Matteo Guendouzi ayaa laga tuuray kooxda sababo anshax xumo darteed, lamana filayo inuu ku lug yeesho kulamada hadhay.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Aston Villa: Reina; Elmohamady, Konsa, Mings, Targett; Luiz, Hourihane, McGinn; Trezeguet, Samatta, Grealish

Arsenal: Martinez, Holding, Luiz, Kolasinac; Cedric, Torreira, Xhaka, Saka; Nelson, Nketiah, Pepe

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.