Hordhac: Arsenal vs Man City – Arday Arteta vs Macalin Pep – Shaxaha Macquulka Ah & Wararka Labada Dhinac Ee Kulanka Caawa

Kooxaha Arsenal iyo Manchester City ayaa caawa fooda isku dari doona gegida Wembley kulan ka tirsan afar dhammaadka tartanka FA Cup xilli labada dhinacba ay ka go’antahay inay tigidhkooda kulanka Final-ka goostaan.

City ayaa ah kooxda haysata hadda koobka kaddib xilli ciyaareedkii hore oo ay markoodii lixaad ku guuleysteen balse Arsenal ayaa ah boqorada tartanka maadaama oo ay yihiin kooxda ugu badan oo ay 13 jeer kusoo guuleysteen.

Arsenal ayaa guul niyadooda kor u qaaday oo 2-1 ahayd dhawaan ka gaadhay Liverpool balse wali joogta booska sagaalaad ee miiska kala sarreynta Premier League iyagoo u baahan inay kooxaha kale dhibco lumiyaan si ay sanadka dambe Europe League uga qayb galaan.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR

Arsenal ayay markale ka maqnaan doonaan goolhaye Bern Leno, Gabi Martinelli, Pablo Mari iyo Calum Chambers oo dhaawacan halka Eddie Nketiah uu kulankiisii ugu dambeeyay ganaax kaadh cas ah ku maqnaanayo.

Mesut Ozil ayaa kulankan ka qayb qaadan kara kaddib dhibaato dhinaca dhabarka ka haysatay walow ay lama filaan noqon doonto haddii uu shaxda soo galo maadaama oo uusan boos uga banaanayn hanaanka 3-4-3.

Dhinaca kale Dani Ceballos iyo Aubameyang oo kulankii Liverpool la nasiyay ayaa shaxdan kasoo muuqan kara si lamid ah Hector Bellerin iyo Shkordan Mustafi.

Dhinaca Man City ayaa la filayaa inay booskooda dib u heli doonaan Kevin De Bruyne, Aymeric Laporte iyo Raheem Sterling oo keydka ku jiray ciyaartii AFC Bournemouth.

Qaab Ciyaareedka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Arsenal ayaa lixdeedii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan afar guulood, hal guuldarro iyo hal bar-bardhac ka haysata halka Man City ay lixdeedii ciyaarood ee u dambeeyay tartamada oo dhan shan guulood iyo hal guuldarro ka haysato.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Dhinac

Arsenal: Martinez; Mustafi, Luiz, Tierney; Bellerin, Ceballos, Xhaka, Saka; Pepe, Lacazette, Aubameyang

Man City: Ederson; Walker, Fernandinho, Laporte, Mendy; Rodri, Gundogan, De Bruyne; Sterling, Jesus, Bernardo

XOGTA KOOBAN EE KULANKA

Ciyaarta: Afar Dhammaadka FA Cup

Garoonka: Wembley

Wakhtiga: 09:45 habeenimo xilliga geeska Africa

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.