Hordhac: Arsenal vs Liverpool – Kulan Ay Labada Kooxood Laba Ujeeddo U Kala Dagaallamayaan, Shaxda Macquulka Ah Iyo Wararkii U Dambeeyey

Kooxda haysata horyaalka waddanka Ingiriiska ee Liverpool waxay raadinaysaa rikoodh dhinaca dhibcaha ah oo ay ku doonayso inay ku gasho taariikhda, waxaana hammigaas ay ku taagnaanaysaa hirgelintiisa marka ay caawa garoonka Emirates Stadium ugu tagto Arsenal oo dagaal ugu jirta sidii ay sare ugu soo kici lahayd, boosna uga heli lahayd Europa League xili ciyaareedka dambe.

Kooxda tababare Jurgen Klopp oo natiijo aanay ku qancin kasoo heshay kulankii ay Sabtidii la ciyaartay, barbarrona kusoo kala baxeen, waxay woqooyiga magaalada London ugu tegaysaa Arsenal oo jab kala soo kulantay Tottenham oo dhaawac gaadhsiisay fursaddii ay ku doonayeen inay tartamada Yurub kaga soo muuqan karayaan xili ciyaareedka dambe, waana sababta ay labada kooxoodba ciyaartani ugu tahay sidii final oo kale.

Liverpool oo xili ciyaareedka mar horeba ku guuleysatay, waxay u socotaa inay jabiso rikoodhkii dhibcaha Manchester City ay horyaalka ku qaadday ee 100ka  dhibcood ahaa, waxaana ka xiga inay saddex guulood ka keenaan Arsenal, Chelsea iyo Newcastle United, waxaana haddii ay taas samayn karaan ay noqon doonaan kooxdii dhibcaha ugu badnaa ka heshay horyaalka Premier League abid, iyagoo heli doona 102 dhibcood.

Laakiin haddii mid ka mid ah kulamadan la barbarreeyo, waxay kusoo dhici doonaan heerkii Manchester City ee 100ka dhibcood ahaa, haddii laga badiyana waxaabay kasoo gaaban doonaan rikoodhka ay hiigsanayaan.

Dhinaca kale, Arsenal ayaa qaab wanaagsan ku jirtay ka hor intii aanay la kulmin Tottenham, waxaanay soo heshay saddex guulood oo xidhiidh ah iyo ciyaar barbarro ah oo ay iskaga maydheen ceebtii Manchester City iyo Brighton ay kusoo dhoweeyeen markii uu horyaalku dib u bilaabmay, hase yeeshee Spurs ayaa jallaafo xun u dhigtay oo kaalinta 9aad ee horyaalka u ridday markii ay 2-1 kaga adkaatay.

Ciyaartii hore ee Liverpool iyo Arsenal oo dhacday bishii August ee sannadkii hore, waxa uu jab xooggan kasoo gaadhay Gunners oo lagu burburiyey 3-1 iyadoo uu Mohamed Salah ka dhaliyey laba gool.

Laakiin kulankii EFL Cup ayay barbarro 5-5 ah ciyaarta ku dhamaysteen, waxaana loo dhigay rikoodheyaal ay kooxda tababare Jurgen Klopp guusha ku heshay.

Marka la eego natiijooyinka ay labada kooxood ka  keeneen min lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League, Arsenal waxay 10 dhibcood kasoo heshay 18 suurtogal ahaa, waxaanay isku dhow yihiin Liverpool oo iyaduna kasoo heshay 11 dhibcood 18kii dhibcood ee suurtogalka ahaa.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Arsenal vs Liverpool

Tartanka: Premier League, kulamada 26aad

Waqtiga: 10:15PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Emirates Stadium

Wararkii u dambeeyey ee labada kooxood

Arsenal waxa ganaax kaga maqan da’yarka Eddie Nketia oo casaan toos ah la siiyey kulankii Leicester City, laakiin waxay haystaan Alexandre Lacazette iyo Aubameyang oo si wanaagsan u shaqeeyey kulankii Tottenham, halka uu da’yarka Saka uu garab siin doono.

Aubemayang oo kabta dahabka ah kula tartamaya Jamie Vardy, Ings iyo Mohamed Salah, waxa uu u dagaallami doonaa inuu shabaqa Reds soo taabto oo uu sare u qaado tirada goolashiisa si uu ugu dhowaado Vardy.

Mesut Ozil oo shalay caddeeyey inuu taam yahay, ayaa laga yaabaa inuu ka mid noqdo ciyaartoyda uu tababare Arteta soo xulo, laakiin lama filayo inuu ciyaarta kusoo bilaaban doono, halka uu Matteo Guendouzi mar kale ku maqnaan doono ciqaabta tababarihiisa oo ka cadhooday dhaqan xumo uu ku kacay.

Gabriel Martinelli, Bernd Leno, Pablo Mari iyo Calum Chambers ayaa dhamaantood ciyaartan ku seegaya dhaawac.

Dhinaca Liverpool, waxa maqan laba ciyaartoy oo muhiim ah, waana Kabtan Jorden Henderson oo dhaawac jilibka kasoo gaadhay ku seegi doona kulamada hadhay iyo xataa qaybta hore ee xili ciyaareedka dambe iyo difaaca reer Cameroon ee Joel Matip oo suulka lugta wax ka qaba.

Tababare Klopp waxa uu isticmaali karaa James Milner oo la filayo inuu khadka dhexe istaajiyo.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Arsenal: Martinez; Sokratis, Luiz, Holding; Bellerin, Ceballos, Xhaka, Tierney; Saka, Lacazette, Aubameyang

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Keita, Fabinho, Oxlade-Chamberlain; Salah, Firmino, Mane

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.