Heshiisyadii La Dhamaystiray Saacadihii Ugu Danbeeyay Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Caawa Qoreen Wargaysyada Yurub.

Habeen wanaagsan ama waqti kasta oo aad joogtaan oo wanaagsan akhristayaasha sharafta iyo xushmada naga mudanow kuna soo dhawaada wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee ay caawa qoreen wargaysyada yurub.

Xili ciyaareedka cusub ee 2020/2021 ayaa soo dhawaanaya iyada oo ayna kooxuhu heli doonin waqti badan oo ay ku diyaar garoobaan kadib in saamayntii karoona ay keentay in labada xili ciyaareed laysku daba qaban doono.

Image

Kooxaha Yurub ayaa dadaal wayn ugu jira in ay saxiixyo cusub kooxahooda ku soo xoojiyaan inta ayna bilaaban xili ciyaareedka cusub waxaana haddaba jira kooxo suuqa si toos ah ugu jira.

Haddaba sidii aad nooga barateen waxaanu halkan idiinku soo koobaynaa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee ay caawa wargaysyada yurub qoreen halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Tababaraha cusub ee kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa xidiga xulkiisa Netherlands ee Gini Wijnaldum haddaba u sheegay in aanu wax heshiis cusub ah u saxiixin kooxda Liverpool wuxuuna Koeman muhiimada kowaad ka dhiganayaa in uu xidigan keeno Barca.  (ADnl)

Xidiga Man United waqtiga dheer lala xidhiidhinayay ee Matty Longstaff ayaa lagu qanciyay in uu heshiis waqti dheer ah u saxiixo kooxdiisa Newcastle United. Tababare Steve Bruce ayaa Lonstaff ku qanciyay in uu Newcastle United heshiis cusub u saxiixo isaga oo mushaarkiisa todobaadkii laga dhigi doono 30,000 kun oo gini (Sky Sports)

Tababaraha Manchester United ee Ole Gunner Solskjaer ayaa la ogaadhay in uu doonayay in heshiiska Jadon Sancho ee kooxdiisa lagu dhawaaqay isla habeenkii ay Champions league u soo baxeen, afar todobaad ayaa ka soo wareegtay ilaa haddana ma jirto rajo dhaw oo muuqata in ay United la soo wareegi karto Sancho. ( The Athletic)

Chelsea ayaa tixgalinaysa in ay heshiis xor ah kula soo wareegto difaaca kooxda PSG sida lacag la’aanta ah kaga baxaya ee Thiago Silva waxayna maamulka Blues doonayaa in ay difaaca kooxda Frank Lampard ku soo xoojiyaan Silva oo dhawaan si xor ah ku bixi doona (Daily Telegraph)

AC Milan iyo xidiga kooxdeeda ee Zlatan Ibrahimović ayaa qarka u saaran in ay kordhiyaan heshiiskii uu xidiga reer Sweden ku joogay Milan wuxuuna u muuqdaa in uu xili ciyaareed kale sii joogi doono AC Milan. (Sky Sports)

Daafaca dhexe Gabriel Magalhaes ayaa noqon doona ciyaaryahan Arsenal ah saacadaha soo socda sida ay sheegeyso Daily Mirror, xiddigaan ayaa tijaabada caafimaadka u maraya Gunners ka dib markii Napoli ay ka baxday tartankii ay ugu jirtay.

Kooxaha Paris Saint-Germain, Barcelona, Roma iyo Villarreal ayaa dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Matteo Guendouzi kaasoo loo sheegay inuusan mustaqbal ku laheyn kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Kooxda Atletico Madrid ayaa xiriir la sameysay kooxda Juventus iyagoo wax ka weydiiyay suurtogalnimada ay ku heli karaan xiddiga Federico Bernardeschi sida ay qortay La Gazzetta dello Sport.

Manchester United ayaa meel iska dhigeysa doonisteeda xiddiga Borussia Dortmund Jadon Sancho, waxayna bedelkiisa ceyrsanayaan saxiixa labada xiddig ee reer Brazil ee Juventus: Douglas Costa iyo Alex Sandro. Man United waxay Costa ku dooneysaa 27 milyan ginni halka kooxda Talyaaniga ay duldhigtay 36 milyan ginni.

Heshiisyada La Dhamaystiray Saacadihii Ugu Danbeeyay

RASMI: Kooxda Atletico Madrid ayaa dhameystirtay saxiixa goolhayaha reer Croatia Ivo Grbic iyagoo 24 jirkaan kala soo wareegay kooxda Lokomotiva ee ka dhisan magaalada Zagrebm

RASMI: Barcelona ayaa maanta soo bandhigtay xiddigeeda cusub ee 17 jirka ah Pedri. Barca ayaa xiddigaan la wareegtay bishii September ee sannadkii la soo dhaafay laakiin waxay u ogolaadeen inuu amaah ku sii joogo Las Palmas ilaa iyo dhamaadkii xilli ciyaareedka, laakiin maanta ayuu noqday ciyaaryahan Barcelona.

RASMI: Kooxda Sheffield United ayaa xaqiijisatay bedelka goolhaye Dean Henderson oo maanta ku laabtay Manchester United iyagoo 18.5 milyan ginni kula soo wareegay goolhayihii Bournemouth Aaron Ramsdale.

RASMI: Kooxda Borussia Mönchengladbach ayaa dhamaystirtay heshiis amaah ah oo ay Kooxda Inter Milan kagala soo wareegtay Valentino Lazaro kaas oo heshiis qaliniga ugu duugay kooxda Jarmalka ee Mönchengladbach.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.