Heshiiskii Chelsea Ee Chilwell Oo Burburaya, Arteta Oo Helay Gacan-yare Khabiir Ah, Barca Oo Saddex Xiddig Doonaysa Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Maanta Oo Isniin Ah

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Isniin ah:

Chelsea ayaa heshiiskii ay qarka u saarnayd ee difaaca Liecester City ee Ben Chilwell uu burburi karayaa Isniinta maanta, sababtoo ah, 23 jirkan oo qiimihiisa lagu sheegay £50 milyan oo Gini ayaa booqanaya khabiir ka daaweeya dhaawac cidhibta kasoo gaadhay. (Sun)

Manchester United waxay si buuxda uga hadhay 20 jirka reer England ee afka hore uga ciyaara Borussia Dortmund ee Jadon Sancho, waxaanu Edwoodward rumaysan yahay in qiimaha laacibkani uu aad qaali u yahay. (Express)

Chelsea waxay u dhowdahay inay dhamaystirto heshiiska difaaca PSG ee Thiago Silva, kaddib markii uu 35 jirkan reer Brazil ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyey ee PSG oo ahaa finalka Champions League. (Sky Sports)

Philippe Coutinho oo bartilmaameed u ahaa Arsenal ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu ka tegayo Barcelona xagaagan. (Express)

Aston Villa ayaa dalab £30 milyan oo Gini ah ka gudbinaysa weeraryahanka reer France ee Odsomnne Edouard oo ah 22 jir u ciyaara Celtic. (Scottish Sun)

Difaaca reer Brazil ee Gabriel Magalhaes oo ah 22 jir u ciyaara Lille ayaa heshiis la galay Arsenal, waxaanu toddobaadkan  ugu wareegayaa lacag dhan £27 milyan oo Gini. (Guardian)

Bournemouth ma joojin doonto ciyaaryahannadeeda doonaya inay tagaan, waxaana ka mid ah laacibiinta albaabadu u furan yihiin David Brooks oo ah 23 jir u dhashay Wales oo ay Manchester United doonays. (Mail)

Tababaraha cusub ee Barcelona ee Ronald Koeman wuxuu doonayaa inuu lasoo saxeexdo weeraryahanka Inter Milan iyo xulka qaranka Argentina ee Lautaro Martinez oo 23 jir ah, difaaca Manchester City ee Eric Garcia oo 19 jir ah iyo 25 jirka difaaca dhexe uga ciyaara Valencia ee Jose Gaya. (Sport)

Kooxda reer Catalonia waxa kale oo ay xiisaynaysaa difaaca bidix ee reer Argentina ee Nicolas Tagliafico oo 27 jir ah. (Marca)

Koeman waxa kale oo uu jecel yahay in qorshihiisa uu qayb ka ahaado kubbad-sameeyaha reer Brazil ee Coutinho. 28 jirkan oo amaah ugu maqnaa Bayern Munich xili ciyaareedkii hore ayaa kusoo laabanaya Camp Nou xagaagan. (Mundo Deportivo)

Murashaxa madaxweynaha Barcelona ee Jordi Farre ayaa sheegay inuu wada-hadallo la yeeshay tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp. (Sport)

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta waxa uu doonayaa inuu tababare ku-xigeen ka dhigto macallinka kooxda Brentford ee Andreas Georgson. (Evening Standard)

Weeraryahanka reer Nigeria ee Iska Hansen-Aaroen oo 16 jir ah oo ka tirsan kooxda Tromso, ayaa bartiisa bulshada ku xaqiijiyey inuu tago Manchester United. (Mirror)

Luis Figo ayaa sheegay in aanu filayn in xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo 33 jir ah uu ka tegi doono Barcelona, isla markaana uu raaci doono raadkiisii oo uu ku biiri doono Real Madrid. (Marca)

Weeraryahanka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic oo 38 jir ah, ayaan wali ogolaanin inuu heshiis cusub u saxeexo AC Milan. Halyeygan ayaa xor noqon doona marka ay dhamaato bishan August. (Gazzetta dello Sport)

Xiddiga Juventus ee Cristiano Ronaldo waxa uu Manchester Unites siiyey talo ka hor intii aanay u dhaqaaqin heshiiska Bruno Fernandes oo 25 jir ah, sida uu sheegay difaacii hore ee United ee Patrice Evra. (Guardian)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.