Heshiiskayga Kansala – Xiddig Man United Ah Oo Si Cad Maamulka Kooxdiisa Ugu Sheegay Inay Jeex-Jeexaan Qandaraaskiisa

Goolhayaha kooxda Manchester United ee Sergio Romero ayaa ka dalbaday maamulka sarre ee kooxdaas inay gabi ahaanba kansalaan heshiiska uu kula joogo Old Trafford kaddib markii amaah lagu diri waayay suuqii dhawaan xidhmay.

Goolhayaha heer caalami ee ree Argentina ayaa hadda ah dookha saddexaad ee Man United kaddib markii uu Dean Henderson amaah kasoo laabtay iyadoo uu hore goolhayaha dookha koowaad David De Gea u ahaa.

Romero ayaa ahaa goolhayaha koobabka kale ugu soo bilawda Man United sanadihii ugu dambeeyay balse doorkaas ayuu horraanta xilli ciyaareedkan la wareegay Dean Henderson.

33 sano jirkii hore ee kooxda Sampdoria ayaa filanayay inuu suuqii xagaaga koox cusub u wareegi doono xilli ay jireen kooxo Premier League ah oo shaaciyay inay xiisaynayaan.

Aston Villa iyo Everton oo labaduba doonayay loona arkayay kooxaha uu ku dambayn doono kahor intii aysan la saxeexan Emiliano Martinez iyo Robin Olsen.

Sergio Romero ayaa la aaminsan yahay inuu wadahadalo toos ah la yeeshay Everton balse ugu dambayn baaqi kusii ahaaday Manchester.

Sida lagu sheegay wargeyska The Sun, Romero ayaa ka cadhaysan Man united kaddib markii ay diideen heshiis ay Everton usoo bandhigtay oo amaah ahaa waliba ay balan-qaadeen inay 100-ka kun ee Pound ee uu usbuucii qaato iyagu wada bixin doonan.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Romero uu hadda kulan la qaatay Man United kana filayo inay fasixi doonaan 10 bilood kahor inta uusan dhicin heshiiska uu ku joogo kooxdooda.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.