HESHIIS DHAW: Man United Oo Saxeexeedii Koowaad Ee Xagaaga Maanta Shaacin Karta, Booska Uu Ka Ciyaaro & Kooxda Uu Ka Imanayo

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay maanta si rasmi ah u shaacin doonto saxeexa da’yarka ree Norway ee Isak Hansi-Aaroen kaas oo noqonaya ciyaaryahanka ugu horreeya ee ay suuqa xagaagan kala wareegayaan.

Hansi-Aaroen ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee abid u ciyaaray kooxda waaweyn ee Tromso kaddib markii uu kulan metelay isaga oo 15 sano iyo 319 maalmood jira. United ayaa sanadkii hore heshiiskiisa dhammaysay balse maanta si rasmi ah u shaacinaysa marka uu 16 sano jirsado.

Da’yarkan weerarka ka ciyaara ayay sidoo kale hore usoo tijaabiyeen kooxaha Liverpool iyo Everton kahor intii aysan Man United heshiis la gaadhin kooxdiisa Tromso.

Hansi-Aaroen ayaa noqon doona xiddigii ugu horreeyay ee Norwegian ah ee ku biira Man United tan iyo markii kooxda loo magacaabay tababaraha dalkaas kasoo jeeda ee Ole Gunnar Solskjaer.

Isak ayaan kamid noqon doonin kooxda waaweyn ee Man United balse taas bedelkeeda xilli ciyaareedkanba qayb ka ahaan doona da’yarta 18 sano jirada ka yar ee kooxdaas.

Hansi-Aaroen ayaa lix kulan bedel ugu soo galay kooxdiisa Tromso oo hoggaanka u haysa wakhtigan horyaalka Norway isaga oo saddex kulan usoo ciyaaray xulka qaranka Norway ee 16 sano jirada ka yar.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.