HESHIIS DHAN: Man United Oo Qarka U Saaran Inay Da’yar Mucjiso Ah Kala Wareegto Man City & Tirada Goolasha Waalida Ah Ee Uu Dhaliyay

Kooxda Manchester United ayaa lasoo xiganayaa inay aad ugu dhawdahay inay gacanta ku dhigto saxeexa da’yarka Charlie McNeil oo ah mashiin dhinaca goolasha ah oo ka tirsanaa kooxda da’yarta ee dariskooda Manchester City.

Isaga oo haatan 16 sano jir ah, McNeil ayaa lix sano mid kamida da’yarta Man City soo ahaa isaga oo wakhtigaas soo dhaliyay 600 oo gool xilli uu matalayay da’aha kala duwan ee Sky Blues.

Waxa la filayay inuu heshiiskiisii ugu horreeyay ee xirfadlenimo caalami ah u saxeexi doono Manchester City laakiin sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska Daily Mail, Mcneil ayaa heshiis buuxa la gaadhay xirfadlenimo caalami ah la gaadhay Man United.

“Aad ayay ugu mahadsan tahay Manchester City waxkasta oo ay ii qabatay aniga intii lagu jiray lixdii sano ee ugu dambeeyay” ayuu bartiisa Instagram kusoo daabacay Charlie McNeil oo u muuqday mid farriin macasalaamayn ah dirayay.

Sida la rajaynayo, warkaas ayaan mid wanaagsan u noqon City gaar ahaan inay fahamsan yihiin in tababare Pep Guardiola uu u balanqaaday McNeil inuu kamid noqon karo kooxda koowaad ee waaweyn mustaqbalka dhaw.

Man United oo ka duulaysa siyaasadeeda suuqa ayaa diiday inay wax war ah ka sheegto wararka la xidhiidha Charlie McNeil laakiin shaki la’aan heshiiskaas ayaa u noqon doona mid weyn haddii uu suurogalo.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.