HESHIIS DHAN: Chelsea Oo Heshiis Buuxa La Gashay Kai Havertz Iyo Waxa Kaliya Ee Hadhsan

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si buuxda ugu guuleysatay heshiiska da’yarka reer Germany ee Kai Havertz oo in muddo ah ay ku xafiiltamayeen kooxo waaweyn oo Yurub ah.

Guddoomiyaha Chelsea, Marina Granovsakaia ayaa soo afjartay wada hadallo ay kooxdu muddo kula jirtay Havertz iyo wakiilkiisa, waxaana lagu soo gunaanaday heshiis ay Granovsakaia iyo wakiilka da’ yarka.

Sida uu sheegay wariyaha caanka ah ee u dhashay waddanka Talyaaniga ee Nicolo Schira oo ka hawl-gala telefishanka Sky Sports Italia, Chelsea waxay hore heshiis shaqsi ah ula gaadhay Havertz iyadoo ay wakiilkiisa wax walba iskula qaateen, waxaana kaliya hadhsan in Bayer Leverkusen ay ka wada xaajoodaan lacagta ay kula kala wareegayaan.

Nicolo Schira waxa kale oo uu sheegay in Havertz uu la gaadhay heshiis shan sannadood ah oo soconaya illaa sannadka 2025, kaas oo uu sannadkii mushahar ahaan ugu qaadanayo 8 milyan oo Euro iyo lacago kale oo ku xidhan waxqabadkiisa.

“Kai Havertz wuxuu weydiistay Bayer Leverkusen inay iibiyaan suuqan xagaaga, waxaanu doonayaa inuu ku biiro Chelsea.” Ayuu Nicolo Schira ku qoray bartiisa Twitterka, waxaanu raaciyey: “Heshiis buuxa ayay gaadheen wakiilkiisa iyo Marina Granovskaia. Waxay gaadheen heshiis shaqsi ah oo soconaya illaa sannadka 2025 oo uu sannadkii ku qaadanayo 8 milyan oo Euro oo mushahar ah iyo lacago kale oo bandhiggiisa¬† ku xidhan. Hadda waxay Chelsea ka shaqaynaysaa inay heshiiska la dhamaystirto Bayer Leverkusen.”

Kai Havertz ayaa noqonaya ciyaartoygii saddexaad ee ay Chelsea lasoo wareegto, waxaana ka horreeyey Timo Werner iyo Hakim Ziyech, halka ay laacibiin kale oo uu ka mid yahay Chilwell ay diiraddu u saaran tahay Blues.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.