HESHIIS DHAN: Chelsea Oo Dirtay Mid Kamida Xiddigihii Ay Suuqan La Wareegtay & Kooxda Uu Ka Degayo Saacadaha Soo Socda

Kooxda Chelsea ayaa u muuqata mid dhigeeda ree Portugal ee FC Porto kala heshiisay heshiis hal sano oo amaah ah oo ay ugu dirayso daafaceeda da’yarka ah ee Malang Sarr oo isla gudaha suuqan kaga soo biiray dhinaca Lille.

Porto ayaa suuqa ugu jirta xiddigii ay ku bedeli lahayd Alex Telles oo ay shalay Man United kala wareegtay waxaana ay xalka u arkeen Sarr oo sidoo kale booska daafaca bidix ka ciyaari kara walow uu asal ahaan daafac dhexe yahay.

Image

Walow uu Sarr dhawaan uun heshiiskiisii ugu horreeyay ee rasmi ah u saxeexay Chelsea haddana qorshaha ayaa markasta ahaa in dib amaah loogu diro si uu khibrad usoo helo.

Sarr ayaan ahayn ciyaaryahanka kaliya ee ay Chelsea doonaysay inay kooxdeeda ka dirto balse waxa jiray dhawr xiddig oo kale oo ay doonaysay inay safkeeda ka nadiifiso.

Chelsea ayaa gudaha suuqan lacag ka badan 250 Milyan oo Pound ku bixisay iyagoo lasoo wareegay toddoba ciyaaryahan oo uu Malang Sarr qudhiisu ku jiro oo kooxdeeda koowaad ah.

Xiddigaha kale ee Stamford Bridge kasoo degay ayaa kala ah goolhaye Edouard Mendy, Thiago Silva, Ben Chilwell, Kai Havertz, Hakim Ziyech iyo Timo Werner.

Filashada Blues ee xilli ciyaareedkan ayaa ah mid sarreysa kaddib saxeexyadan iyadoo Frank Lampard ay hubaal tahay in shaqadiisa cadaadis ku fuuli doono haddii uusan wax lagu qanco kasoo saarin safka uu haysto ee loosoo hubeeyay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.