Halkan Kaga Boggo Sawirka Baraha Bulshada Qabsaday Ee Ay Pep Guardiola & Shaqaalihiisa Man City Galeen Kaddib Markii Laga Qaaday Ganaaxii Champions League

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola iyo kooxdiisa shaqaalaha tababarka ayaa si weyn farxad uga muujiyay go’aankii ay racfaanka maxkamada CAS kaga ogolaatay xilli ay ku doodayeen in ganaax laba sano ah oo UEFA tartamada Yurub ka saartay laga qaado.

Manchester City ayaa ganaaxa la saaray bishii February ee sanadkan kaddib markii ay UEFA ku heleen arrimo jabin dhinaca sharciga la xidhiidha iyo inay baal-mareen xeerka FFP.

Si kastaba, maxkamada caalamiga ah ee CAS ayaa saaka shaaca ka qaaday go’aanka ay dhinaca kale ugu rogeen ganaaxii la saaray Sky Blues taas oo ka dhigan inay ciyaari doonaan Champions League.

Kaddib shaacintaas deg-dega ah, waxa soo if-baxay sawir ay iska qaadeen tababare Pep Guardiola iyo kooxda ay wada maamulaan Man City oo baraha bulshada qabsaday.

Manuel Estiarte oo kamida shaqaale hoosaadka Guardiola ayaa sawirkan ku baahiyay barihiisa bulshada mid kamida ah iyadoo xaga dambe laga arkayo kanaalka Sky Sports oo warka tabinayay walow uu deg-deg u tir-tiray sawirka,

Dhawaan ayay ahayd markii tababarihii hore ee Barcelona iyo Bayern Munich oo saxaafada u warramay uu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo in racfaanka laga ogolaan doono.

Sky Blues ayaa xisaab ahaan xilli horeba usoo baxay Champions League xilli ciyaareedka dambe iyadoo waxa haatan lagu hirdamayaa ay kaliya yihiin kaalmaha saddexaad iyo afraad.

Guardiola

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.