“Hal Mar Ixtiraama” – Xaaska Xiddig Man United Ah Oo Furka Ku Tuurtay Madaxda Kooxdaas & Sababta Ay Uga Cadhaysan Tahay

Xaaska goolhayaha kooxda Manchester United ee Sergio Romero oo lagu magacaabo Guercio ayaa banaanka keentay dareenkeeda cadho ee madaxda ugu sarreysa kooxdaas xilli uu si buuxda u xidhmay suuqa kala iibsiga qaarada Yurub.

Romero oo booska saddexaad ee kala horreynta xulashada goolhayayaasha Man United u dhacay ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Premier League ee Everton balse kooxda ayaan siinin wax ogolaansho ah oo ay Goodison Park ugu dirayso.

Xaaska xiddiga heer caalami ee ree Argentina ayaa qarsan kari wayday sida ay uga cadhaysan tahay kooxda iyadoo sheegtay inuu u qalmo ixtiraam maadaama oo uu kooxda koobab lasoo qaaday mudada uu soo joogay.

Guercio oo barta Instagram dareenkeeda ku muujinaya ayaa soo qortay “Sergio Romero si adag ayuu ugu shaqeeyay kooxdiisa, koobkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen isaga ayay la qaadeen”

“Waxa uu kooxda la gaadhay afar Final iyo afar Semi-Final kaddibna kursiga keydka ayaa lagaga tagay si ay u guuldarraystaan dhammaantood, waa wakhtigii ay iyagu fursadaas usoo celin lahaayeen oo ay u ogolaan lahaayeen inuu baxo, hal mar ixtiraama”

Sergio Romero ayaa sanadkii 2015 Manchester United qaab bilaash ah ugu soo wareegay isaga oo tan iyo wakhtigaas 61 kulan usoo ciyaaray Red Devils.

Inta badan ee wakhtiga uu kusoo qaatay Old Trafford, Romero ayaa goolhayaha kaabista ah u ahaa David De Gea oo dookha koowaad ah.

Si kastaba, Dean Henderson ayaa kasoo laabtay amaah najaxday oo uu ugu maqnaa Sheffield United waxaana uu Sergio noqday xulashada saddexaad.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.