“Ha Isbar-Bardhigin Bini-Aadam Caadi Ah Iyo……” – Wiilka Uu Dhalay Diego Maradona Oo Si Cajiib Ah U Kala Doortay Aabihii & Lionel Messi

Wiilka uu dhalay halyeeyga kubadda cagta Argentina ee Deigo Maradona JR ayaa isbar-bardhig ku sameeyay aabihii iyo waliba hoggaamiyaha haatan ee xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Maradona iyo Messi ayaa ah kuwo in badan la isbar-bardhigo walow ay kala wakhtiyo duwanaayeen balse aragtida uu qaba wiilka Maradona ayaa ah mid cadaan ah.

Messi fait-t-il vraiment moins bien que Maradona en Sélection ...

Maradona JR ayaa sheegay inuu Messi yahay xiddig cajiib ah laakiin aan la bar-bardhigi karin isaga iyo aabihii, wiilka Diego Maradona ayaa aabihii ku sifeeyay Alien (Wax aan bini-aadam ahayn) halka uu Messi qof caadi ah u arko.

Diego Maradona JR ayaa yidhi “Messi waa mid cajiib ah, laakiin qofna lalama bar-bardhigi karo aabahay, bini aadamka ma bar-bardhigi kartid Aliens-ka”

“Waan ka xumahay laakiin qofna ma gaadhi doono heerkii aabahay, waa wax aan dhici karayn” ayuu yidhi Maradona Jr oo amaanta aabihii sii wada.

Dhinaca kale, wiilka halyeeyga ree Argentina oo kala dooranaya Messi iyo ninka ay jiilkan tartanka ugu badan kaga wada jiraan ee Cristiano Ronaldo ayaa markale aragtidiisa caddeeyay.

“Anigu waan ka dambeeyaa (Ixtiraamaa) Messi, isagu waa midka ugu wanaagsan kuwa ku hareeraysan, Cristiano (Ronaldo) xataa kuma soo dhawaanayo”

“Qofkasta oo Argentina jooga oo isaga dhaleeceeya waxba kama garanyo kubadda cagta, aabahay isaga wuu jecel yahay in badan ayuuna igala hadlaa”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.