GO’AAN: Xiddigii Ay Mudada Dheer Daba-Joogtay Arsenal Ee Thomas Partey Oo Go’aan Buuxa Gaadhay – Miyuu Emirates Ka Degayaa?

Khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa dhaw xilli ay si weyn kooxda Arsenal u doonaysay inay ula wareegto dhinaca horyaalka Premier League.

Sida uu haatan sheegayo wargeyska Ghana Soccernet, Thomas ayaa go’aankiisii hore ee bixitaan rabitaanka ahaa bedelay isla markaana haatan ku dhaw inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo Atletico Madrid.

27 sano jirkan ayaa mudo dheer si adag uga fikirayay dalabaadka uga imanaya dhinaca Premier League gaar ahaan Arsenal waxaana uu go’aanka ka dhigay inuu joogo halka uu haatanba ka ciyaarp.

Warbixinta Ghana Soccernet ayaa intaas ku daraysa in heshiis ay gaadheen Atletico iyo Partey isla markaana ay isku af-garteen inay laba jibaaraan mushaharkiisa sidoo kalena ay lacagta lagu jabin karo qandaraaskiisa ka dhigaan 100 Milyan oo euro.

Qiimaha 50-ka Milyan ee euro ah ee uu Thomas Partey hadda ka yahay suuqa ayaa soo jiitay kooxo badan oo England ah oo ay Gunners ugu horreeyaan.

Bilooyinkii ugu dambeeyay ayuu Thomas ku mashquulsanaa inuu ogaado booskiisa iyo darajada uu ka joogo kooxdiisa Atletico Madrid xilli aabihii uu sheegay in wiilkiisa England looga qiimaynayay in ka badan Spain.

Thomas ayaa xilli ciyaareedkan muhiim ka ah qorshaha tababare Diego Simeone, kulamada ugu badan ayuu tababare Simeone adeegsaday xilli ciyaareedkan isagoo kaliya ka wakhti yar goolhaye Jan Oblak iyo Saul Niguez.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.