GO’AAN: Real Madrid Oo Go’aan Ka Gaadhay Haddiiba Paul Pogba Ay Lasoo Saxeexanayso – Miyaa Laga Dejinayaa Bernabeu?

Kooxda Real Madrid ayaa la sheegayaa inay go’aan ka gaadhay haddiiba ay u dhaqaaqayso saxeexa khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba kaas oo dhawaan si cadaan ah u sheegay inuu ku riyoodo ka ciyaarista kooxdaas.

Pogba ayaa markale mustaqbalkiisa Manchester cirka ku shareeray toddobaadkan isaga oo ku maqan waajibaadkiisa xulka qaranka France.

Si kastaba, wargeyska Spain fadhigiisu yahay ee AS ayaa sheegay in Real Madrid aysan lahayn wax qorshe ah oo ay ku doonayso inay mustaqbalka dhaw ugu dhaqaaqdo saxeexa Pogba.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Real Madrid ay wakiilka Pogba ee Mino Raiola u sheegtay inaysan saxeexa Pogba u dhaqaaqi doonin ugu horreynba suuqa soo socda ee bisha January.

AS ayaa intaas ku daraya in hadalka Pogba uu ka dhigan yahay maadaama oo ay jirto suurogalnimo ah inuu bur-buray xidhiidhka ka dhaxeeya wakiil Raiola iyo waliba tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Los Blancos ayaa wakhtigan leh qorsheyaal kale oo dhinaca suuqa ah waxaana kamida xiddigaha bar-tilmaameedka u ah Kylian Mbappe oo Paris Saint-Germain ka tirsan iyo 17 sano jirka kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga.

Heshiiska Pogba ee Man United ayaa ah mid dhacaya suuqa xagaaga xilli ciyaareedka dambe waxaana uu dhawaan tilmaamay inaysan jirin wax wadahadalo ah oo uu la furay Red Devils.

Si kastaba ha ahaatee, Paul Pogba ayaa dhibtoonaya xilli ciyaareedkan isaga oo ku fashilmay inuu sii wado qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa ee kaddib markii laga soo laabtay go’doonkii xanuunka Korona Fayras.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.