Gini Wijnaldum Oo Wax Laga Weydiiyay Xiddiga Booskiisa Liverpool Ku Cidhiidhinaya Ee Thiago & Jawaabtiisa Soo Jiidashada Leh

Khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Gini Wijnaldum ayaa ka hadlay saaxiibkiisa cusub ee kooxdaas ahna ciyaaryahanka ay booska khadka dhexe ku wada dagaalami doonaan ee Thiago Alcantara oo suuqii xidhmay usoo wareegay Anfield,

Wijnaldum oo ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Barcelona ayuu cadaadis weyni ku fuulay booskiisa kaddib markii ay kooxdu lasoo saxeexatay Alcantara oo Bayern Munich kaga yimid.

Liverpool transfer news: Jurgen Klopp backed to sell three players to fund Thiago deal | Football | Sport | Express.co.uk

Gini ayaa lala xidhiidhinayay kooxda ree Spain ee Barcelona iyadoo uu halkaas ka doonayo tababarihiisii xulka qaranka Netherlands ee Ronald Koeman oo dhawaan Camp Nou la wareegay.

Ugu dambayn, 29 sano jirkii hore ee Newcastle United ayaa baaqi kusii ahaaday kooxdiisa waxaana uu hadda isaga oo ka hadlaya imaatinka Alcantara sheegay inuu yahay mid khaas ah oo kooxdooda lagu soo daray.

Wijnaldum oo wax laga weydiiyay imaatina Thiago ayaa yidhi “Waxkasta (oo Thiago Alcantara ku saabsani) aniga way i cajab geliyeen”

“Mudo sanado ah ayaan hadda arkay isaga oo ciyaaraya, isaga waan kahor tagay markii aanu Bayern wajahnay, feejignaanta uu garoonka dhexdiisa ku leeyahay, kalsoonida uu leeyahay marka uu kubadda haysto iyo qaabka uu kooxda u ciyaarsiiyo wa mid aan la rumaysan karin”

“Isagu waa ciyaaryahan sidaas u tayo badan kaas oo kooxda ka dhigaya mid ka wanaagsan sidii aanu markii hore ahayn, sidaas darteed anigu dhab ahaan waan ku faraxsanahay, qofkasta wuu ku faraxsan yahay inaanu isaga halkan ku haysano, isagu sidoo kale inuu halkan joogo wuu ku faraxsan yahay.”

Thiago ayaa kusoo raaxaystay kulankiisii koowaad ee uu Liverpool u ciyaaray isaga oo 45 daqiiqo oo uu kasoo ciyaaray kulankii ay guusha kasoo gaadheen Chelsea soo sameeyay rekoodh 75 baas ah.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.