Garsoore Inkaar Ku Ah Real Madrid Oo Loo Magacabaay Kulanka Real vs Villarreal & Los Blancos Oo Ka Walaacsan Inuu Ka Joojiyo Hanashada Koobka

Real Madrid ayaa ka walaacsan garsooraha loo magacaabay kulanka ay Khamiista ku martigelinayaan Villarreal ee garoonka Estadio Alfredo di Stefano, kaas oo ay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga Santandar ee xili ciyaareedkan ku qaadi karayaan.

Guddida Farsamada ee garsoorka ayaa shaaciyey garsooreyaasha dhexdhexaadin doona kulamada Khamiista ay dhamaan kooxaha LaLiga isku waqtiga ciyaari doonaan, kuwaas oo lagu go’aamin karayo kooxda koobka qaadaysa iyo naadiyada heerka labaad ku noqonaysa.

Zinedine Zidane iyo xiddigihiisa ayaan ku farxin garsooraha loo magacaabay kulanka ay Villarreal ku qaabilayaan, waxaanay xasuusan yihiin qaabkii uu ula dhaqmay ciyaartii ugu dambaysay oo ay Los Blancos guul-darro usoo hoyatay, isla markaana uu kaadhadh siiyey ciyaaryahanno uu Sergio Ramos ku jiray.

Garsooraha Alejandro Hernandez Hernandez ayaa loo doortay inuu qabto ciyaarta muhiimka u ah Real Madrid ee  u go’aamin karaysa inay horyaalka ku guuleysanayaan.

Hernandez Hernandez ayaa kaadh digniin ah siiyey Sergio Ramos iyo Casemiro markii ay taariikhdu ahayd February 22, maalintaas oo ay ka hor tageen Levante oo daqiiqaddii 79aad ayuu Real Madrid gool ka dhaliyey Jose Luis Morales Nogales, taas oo ku dhamaatay 1-0 ay Los Blancos ku guuldaraysatay.

Sergio Ramos oo ciyaartaas kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ka cadhaysan yahay garsooraha, waxaanu si cad u qiray inay muuqatay in Hernandez Hernandez uu isaga cadaawad shaqsiyan ah u qabo.

“Waxaan ka cadhaysanahay garsooraha. Waxaan su’aalay haddii uu aniga dhibaato shaqsi ah iga tirsanayo.” Ayuu Ramos yidhi waqtigaas.

Arrinta kale ee walaaca ku haysa Real Madrid ayaa ah in natiijooyinka ay ka helaan kulamada uu Hernandez Hernandez dhex-dhexaadiyo ay yihiin kuwo aan fiicnayn, waxaana tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee uu garsoorahani u qabtay ay guuleysteen laba ciyaarood oo kaliya., sida ay muujinayso xogtan hoose:

Si kastaba, Real Madrid oo guusha horyaalka ay ka xigto kaliya  inay ka badiyaan Villarreal ayaa la eegi doonaa haddii uu mar kale musiibo ku noqonayo iyo haddii ay markan libinta heli doonaan iyagoon isla dhibaatoonin Hernandez Hernandez.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.