Frank Lampard Oo Sharraxay Sababta Uu U Fadhiisiyey Kepa Arrizabalaga

Tababaraha Chelsea, Frank lampard ayaa kaydka dhigay goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizabalaga kulanka ugu dambeeya horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan ee ay foodda isku darayaan Wolves.

Chelsea ayay ciyaartani muhiim u tahay, waxaanay u baahan yihiin inay guuleystaan ama barbarreeyaan si ay uga mid noqdaan afarta kooxood ee Champions League ka qayb-geli doona fasal ciyaareedka dambe.

Lampard ayaa kulankan fursad siiyey Willy Caballero iyo Christian Pulisic, waxaanu kaydka dhigay Kepa iyo Willian oo qayb ka ahaa safkii ay Liverpool soo garaacday Arbacadii laakiin aanu markan shaxdiisaba kusoo darin.

Kepa oo noqday goolhayaha ugu qaalisan taariikhda markii ay Chelsea kasoo iibsatay Athletic Bilbao sannadkii 2018, ayaa canaan badan loo jeediyey xili ciyaareedkan, waxaana ugu dambayntii uu lumiyey booskiisa kulanka horyaalka lagu soo gabogabaynayo.

Tababare Lampard oo ka hadlay sababta uu Kepa u fadhiisiyey ayaa waxa uu yidhi: “Waa doorasho aan anigu sameeyey. Kepa wuxuu soo qaatay waqtiyo adag, sidaa darteed waxaan ciyaarsiinayaa Willy.”

Xiddiga reer Brazil ee Willian oo lagu tilmaamo mid ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa Chelsea xili ciyaareedkan ayuu Lampard go’aamiyey in aanu shaxda kooxdiisa kusoo darin.

Laacibka reer Brazil oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedkan ayey Chelsea isku afgaran waayeen heshiis kordhinta, iyadoo ay kooxdu doonayso in laba sannadood uu saxeexo, halka laacibkanna uu saddex sannadood doonayo.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.