FAJAC: Tababare Ronald Koeman Oo Sheegay Qofka Uu Weydiin Doono Siraha Ku Saabsan Juventus Oo Ay Champions League Ku Ballansan Yihiin

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa si cadaan ah u tilmaamay xiddiga uu ku dhex haysto kooxda ee uu ka warraysto xogaha ku saabsan kooxda ree Talyaani ee Juventus oo ay wareega Group-yada ee Champions League ku balansan yihiin.

Xiddiga uu Koeman sheegay inuu kooxdiisa caawinayo ayaa ah khadka dhexe ee ree Bosnia ee Miralem Pjanic kaas oo ay dhawaan kooxdaasi heshiis ciyaartoy isku bedelasho ah ku kala qaateen Arthur Melo oo dhinaca Allianz Stadium u wareegay.

Barcelona ayaa wareega Group-yada ee CL kula jirta saddexda kooxood ee kala ah Juve, Dynamo Kyiv iyo Ferencvaros iyagoo dhammaantood Group G ku midaysan.yihiin.

Tababarihii hore ee xulka qaranka Netherlands ayaa si cadaan ah u sheegay in Juventus ay tahay koox sanad kasta muujinaysa inay sii fiicnaanayso isla markaana ay xogtooda raadin doonaan isaga oo kaashanaya Miralem Pjanic.

Ronald oo muuq-baahiyaha rasmiga ah ee Barca la hadlayay ayaa yidhi “Waa tartan aad muhiim u ah, aragti ahaan anaga ayaa ah kooxda ugu wanaagsan Group-kayaga laakiin waa inaanu taas caddayno”

“Waxaanu ku bilaaban doonaa kulan aanu garoonkayaga kaga hortagayno Ferencvaros, kulan muhiim ah, waa inaanu diyaar garawno oo aanu si wanaagsan wax uga ogaano kooxda naga soo horjeeda”

“Juventus sanadkasta waxa ay muujinaysaa inay haystaan koox xoogan, oo leh khibrad iyo ciyaartoy weyn sida Cristiano Ronaldo”

“Waxaanu haysanaa Pjanic kaas oo na siin kara xog badan oo ku saabsan kooxdiisii hore”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.