FAAH-FAAHIN: Laba Saxeex Oo Thiago Silva Ku Jiro Oo Maqnaanaya, Xaalada Ziyech, Chilwell Iyo Pulisic & Tababare Lampard Oo Faah-Faahin Bixiyay

Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa faah-faahin ka bixiyay xaalada xiddigaha kooxdiisa kahor kulanka adag ee ay berrito qaabili doonaan kooxda Southampton isaga oo xusay magacyada xiddigo maqnaanaya, kuwo shaki ku jiro iyo kuwo diyaar ahba.

Frank ayaa ugu horreynba xaqiijiyay inuu kulanka berri ka maqnaan doono goolhayaha saxeexa cusub ah ee Edouard Mendy oo qarankiisa Senegal kusoo dhaawacmay taas oo ka dhigan in Kepa Arrizabalaga iyo Willy Caballero midkood ciyaari doono.

Frank Lampard press conference: Chelsea boss reveals conversations with new  signing Timo Werner and contract talks with Pedro and Willian

“Mendy diyaar uma noqon doono kulanka berrito, waxaanu rajaynaynaa inuusan aad u dheeraan doonin (Dhaawacu)” ayuu yidhi Lampard.

Dhinaca kale Lampard oo la weydiiyay midka Kepa iyo Caballero kusoo bilaaban doona ayaa diiday inuu sii shaaciyo “Go’aankaas aniga ayaa shaqsiyan u gaadhi doona berrito”

Lampard ayaa xaqiijiyay inuu maqnaan doono Thiago Silva maadaama oo uu safar dheer kasoo galay dhinaca South America oo uu dalkiisa Brazil ugu soo ciyaaray.

Xiddiga mudada la sugayay ee Hakim Ziyech ayuu Frank sheegay inuu daqiiqado ka qayb qaadan karo kulanka berri balse uusan kusoo bilaaban doonin halka uu xusay in Ben Chilwell uu safka kooxda ku jiro.

“Thiago Silva kaddib safarkiisii diyaar uma aha inuu ciyaaro sababtoo ah socdaalka, Chilwell waxa uu ku jiraa safka kooxda”

“Pulisic iyo Ziyech safka ayay ku jiraan, Ziyech taam uma aha inuu kusoo bilawdo laakiin waxaan ku rajo weynahay inuu diyaar u yahay inuu daqiiqado helo”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.