Everton Iyo Liverpool Oo Bar-Bardhac Galay, VAR Oo Wadnaha Jartay Reds Wakhtigii Dhimashada & Kulankii Ugu Xamaasada Badnaa 2020-21 Oo Qabsoomay

Kooxaha Liverpool iyo Everton ayaa kulan xiiso badan bar-bardhac ku galay gegida Goodison Park, kulanka oo kusoo dhammaaday 2-2 ayay goolasha Reds dhaliyeen Mane iyo Salah halka kuwa Toffees ay saxeexeen Michael Keane iyo Dominic Calvert Lewin.

Bar-bardhacan ayaa ka dhigan in Everton ay hoggaanka wali 13 dhibcood ku hayso kaddib shan kulan halka ay Liverpool oo booska 2-aad si kumeel gaadh ah usii gashay 10 dhibcood timid.

Shaxdii Labada Kooxood Ee Kulankan

Liverpool: Adrian, Alexander-Arnold, Robertson, Matip, Van Dijk, Fabinho, Thiago, Henderson, Mane, Salah, Firmino.

Keydka: Kelleher, Wijnaldum, Milner, Gomez, Jones, Minamino, Jota.

Everton: Pickford, Digne, Coleman, Keane, Mina, Allan, Doucoure, Gomes, Rodriguez, Richarlison, Calvert-Lewin.

Keydka: Olsen, Delph, Sigurdsson, Iwobi, Bernard, Godfrey, Davies.

Faah-Faahinta Kulanka

GOOAL: Liverpool ayaa goolka furitaanka deg-deg ula timid daqiiqadii 3-aad ee kulankan, Sadio Mane ayaa baas uu ka helay usii daayay Andy Robertson oo soo maray Coleman baas fiicana Mane goolka u hordhigay, xiddiga ree Uruguay ayaa kubad xoogan dhex dhigay goolka Everton.

MUSIIBO: Liverpool ayaa musiibo la kulantay daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta waxaana bedel lagu saaray Virgil Van Dijk oo hal-bawle u ah, goolhaye Jordan Pickford ayaa qalad xun ku galay Van Dijk balse qaladkiisa oo uu casaan iyo rigooreba ku mudan lahaa ayaa iyaga garab dhaaf (Offside) loo dhigay.

GOOAL: Toffees ayaa goolka bar-bardhaca iska soo guday, kubad gees ka tuur ahayd oo uu soo qaaday James Rodriguez ayuu madax ku qabtay Michael Keane iyadoo goolhaye Adrian uu xakaym kari waayay kubadda oo xooganayd.

Trent Alexander Arnold ayaa qarka u fuulay inuu hoggaanka usoo celiyo Liverpool kaddib markii uu laad xor ah oo cajiib ah goolka Everton ku toogtay balse Pickford ayaa badbaadin cajiib ah sameeyay.

Richarlison ayaa fursad kale ku tijaabiyay goolka Liverpool waxyar kahor wakhtigii nasashada balse darbadiisa oo uu meel fog ka laagay ayaa goolka dul martay.

Qaybta hore ee kulanka oo xiiso weyn lahayd ayaa kusoo dhammaatay bar-bardhac min hal gool ah iyagoo Everton iyo Liverpool isla mari waayay.

GOOAL MAYA MAYA!! Everton ayaa aad ugu dhawaatay inay hoggaanka kulanka la wareegto, James ayaa karoos hadiyad ah goolka u hordhigay Richarlison kaas oo kubaddii uu madaxeeyay birta goolka ku garaacay.

Markale Everton ayaa halis ku abuurtay Reds, James Rodriguez ayaa kubad joog hoose ah meel fog kaga toogtay goolka Liverpool balse goolhaye Adrian ayaa badbaadin sameeyay.

GOOOAL: Liverpool ayaa hoggaanka kulanka kusoo laabatay, Jordan Henderson ayaa kubadda kusoo hor tuuray goolka balse markii uu daafacay xiddig Everton ahi ayuu meel dhaw ku helay Mohamed Salah oo darbad adag xagal dhinac ah kubadda dhigay.

Ala maxay badbaadin ahayd, Robertson ayaa kubad koorne ah soo tuuray Joel Matip ayaana madax waali ah oo gees ku jihaysan galay balse goolhaye Pickford oo wacdarro dhigay ayaa badbaadin cajiib ah sameeyay.

GOOAL: Everton ayaa diiday inay is dhiibto iyagoo markale soo laabtay, Lucas Digne ayaa kubad sarre soo karoosay waxaana madax cajiib ah oo joog sarre ah booday Dominic Calvert Lewin oo kubadda gees hoose oo uu Adrian gaadhi waayay ku jiheeyay.

WAALI: Kulanka ayaa xamaasadiisu cirka gashay, Salah ayaa baas heer sarre ah goolka ku hor furay Sadio Mane oo kubadda helay ayaa darbeeyay balse Pickford ayaa badbaadiyay, markale Liverpool oo halis abuurtay ayuu kubadda helay Jota oo laagay balse laagiisa oo uu sii madaxeeyay Mane ayaa dhinac maray birta goolka.

CASAAN: Richarlison ayaa kaadhka cas loo taagay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulanka kaddib qalad aad u xun oo uu Thiago Alcantara ku galay.

GOOAL MAYA MAYA Waalida iyo xamaasada kulanka ayaa cirka gashay, Hernderson ayaa dhaliyay gool uu Sadio Mane garabka bidix kasoo baasay balse Reds oo si waali ah u dabaaldegay ayaa loo diiday goolka kaddib Offside ay VAR soo saartay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.