Diyaar Ma Tihiin? Waa Kuwan SHANTA Qaab Ee Uu Frank Lampard Doonayo In Uu Xili Ciyaareedka Cusub Ka Guulaysto Kooxaha Waa Wayn Ee Premier League.

Kooxda Chelsea ayaa u muuqata mid qalaynaysa lacagtii ugu baaqatay suuqii xagaagii la soo dhaafay ee uu ganaaxu saarnaa waxayna noqotay kooxda ugu dhaq dhaqaaqa badan suuqa kala iibsiga ee diyaar garowga layaabka leh samaynaysa.

Inkasta oo ay wararku sheegayaan in wali ayna Chelsea waxba ka dhawayn hawlgalkeeda suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, haddana waxa uu Frank Lampard haddaba sii helay koox cabsi wayn ku abuuri doonta muruqyo waynta Premier League.

Waxaa hubaal ah in xili ciyaareedka Premier League ee cusubi uu bilaami doono iyada oo wali ay Liverpool iyo Manchester City yihiin labada kooxood ee safka ugu horaysa ka gali doona saadaasha koobka Premeir League, laakiin shaqada ay maamulka Stamford Bridge wadaan ayaa wax badan badali karta.

Chelsea waxay haddaba kooxdeeda ku haysatay ciyaartoy tayo badan leh balse da’yar ah oo khibradii ugu horaysay uu Frank Lampard xili ciyaareedkan soo siiyay waxayna xili ciyaareedka cusub noqon doonaan kuwo qaan gaadh ah waxaana Blues dhawaan soo gaadhay saxiixyada cusub ee Hakim Ziyech iyo Timo Werner.

Waxa kale oo dariiqa ku soo jira xidiga ay Chelsea ku dhawdahay in ay Bayer Leverkusen kala soo wareegto ee Kai Havertz iyada oo waliba la filayo in Lampard uu difaaca kooxdiisa xoojin u samayn doono.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa shanta qaab ee uu Lampard ku soo shirtagi karo xili ciyaareedka cusub ee uu iskugu dayi doono in uu kooxaha waa wayn ee Premier League uu kaga guulaysto.

Shaxda Kowaad-4-3-3

Shaxda Labaad-3-5-2

Shaxda Saddexaad-4-2-3-1

Shaxda Afraad-4-1-2-1-2

Shaxda Shanaad-4-3-2-1

Haddaba akhriste, haddii aad taageere u tahay Chelsea, shantan shaxood midkeed filaysaa in ay noqon karto midii uu Lampard kaga adkaan kari lahaa kooxaha waa wayn ee Premier League? Haddii aanad taageere u ahayn Chelsea, miyaad filaysaa in shaxaha noocan ahi ay halis wayn ku noqon doonaan kooxaha kale ee waa wayn?

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

7 Comments

  1. Ani ahaaan wxn qabaaa in uu coach ka ku soi shir tago shaxda labaad
    Hadii uu waliba helayo badalka zouma ama difaaca dhexe shaxdaas waaa shax adag oo aan la mari karin hadii uu helo badalka difaaca dhexe waaa ay sii adkaani shaxdu
    Halaaaa chelsea, blues.

  2. Aniga kuma qancin dhamaan shaxda oo dhan hadii aan la helin sadx difaac iyo goolhaye cusub ugu yaarn 2 kamid ah 3
    Koulbly chalwll oplok

Leave a Reply

Your email address will not be published.