Dhegaysiga Dacwaddii Kufsiga Ee Cristiano Ronaldo Iyo Mayorga Oo Dhamaanin, Maxkamad Muddaysay Waqtiga La Dhegaysanayo & CR7 Oo Mar Kale Halis Ku Jira

Maxkamadda federaalka ee Nevada ayaa dhegaysan doonta kiiskii kufsiga ee la sheegay in laacibka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo uu kula kacay gabadh u dhalatay Maraykanka.

Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa waxay sheegtay in kiiskii u dhexeeyey Ronaldo iyo gabadha lagu magacaabo Kathryn Mayorga uu dhegaysan doono xaakimka maxkamadda federaalka ee Nevada, taas oo meesha ka saari doonta heshiiskii ay Ronaldo iyo Mayorga gaadheen sannadkii hore ee ay iskula qaateen in meesha laga saaro dacwaddan.

Ronaldo ayaa lagu eedeeyey in sannadkii 2009 uu ku kursaday Mayorga hotel ku yaalla Maraykanka, isla markaana uu sannadkii 2010kii siiyey lacag uu iskaga aamusiiyey si aanay dacwad uga gudbin oo dhamayd $375,000.

Sida ay wakaaladda AP ku warrantay, qareenka Mayorga oo lagu magacaabo Leslie Mark Stovall ayaa sheegtay in wakiillada ka socday Cristiano Ronaldo ay culays saareen gabadhan oo heshiiska aamusiinta ah ee ay la galeenna uu yahay sharci darro, isla markaana aanay jirin qoraallo rasmi ah oo la kala saxeexday.

“Maxkamadda ayaa go’aamkin doonta in Mayorga ay lahayd awooddii maskaxeed ee ay ku gaadhi lahayd heshiis noocan ah.” Sidaa waxa tidhi Jennifer Dorsey oo xaakim ka ah maxkamadda.

Mayorka ayaa sannadkii 2018kii waxay Ronaldo ka gudbisay kiis dacwadeed oo la xidhiidha kufsiga uu kula kacay, kaddib markii heshiiskii lagu aamusiiyey loo dusiyey warbaahinta oo lagu daabacay wargeysyo Yurub kasoo baxa.

Gabadhan oo 37 jir ah ayaa dalbatay in la siiyo ugu yaraan $200,000 Gini oo magdhow ah maadaama fadeexaddani dibedda usoo baxday, sidoo kalena la jabiyey heshiiskii, waxyaabo kale oo aan loo baahnayn inay dibedda usoo baxaanna ay dadku ogaadeen oo sumcad dil lagu sameeyey.

Arrintan oo sannadkii 2018kii lagu dhameeyey heshiis kale kale oo ay wada gaadheen Ronaldo iyo Mayorga ayaa lagu soo afjaray muranka dacwadeed, iyadoo la isla qaatay in gebi ahaanba la xidho kiiskan oo aan dacwad dambe la furin, hase yeeshee waxa muuqata in mar kale uu kiiskii furan yahay oo ay dacwaddu soconayso.

Ronaldo ayaa geli kara xaalado khatar ah oo ay ka mid tahay in xabsiga loo taxaabo, balse waxa la eegi doonaa sida ay noqoto xaaladdu.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.