DEG-DEG: Xiddigii Arsenal Ee Lucas Torreira Oo Tijaabada Caafimaadka Uga Gudbay Atletico Madrid – Miyuu Thomas Partey Dhinaca Gunners U Wareegayaa?

Khadkii dhexe ee kooxda Arsenal ee Lucas Torreira ayaa tijaabada caafimaadka u maray kooxda ree Spain ee Atletico Madrid iyadoo maalmihii ugu dambeeyay si xoogan loola xidhiidhinayay inuu gegida Wanda Metropolitano kula midoobayo tababare Diego Simeone.

Torreira ayaan fursadii uu filayay ka helin macalinkiisa Mikel Arteta taas oo sii kordhisay rabitaankiisii ahaa inuu iskaga tago Emirates Stadium maadaama uu xulasho ahaan ka dambeeyo Granit Xhaka, Dani Ceballos iyo xataa Mohamed El-neny.

Torreira ayaa heshiiska uu ugu wareegay Atletico Madrid yahay mid hal sano oo amaah ah noqonaya iyadoo ay kooxdaas dookh u haysato inay iibsan karto kaddib heshiiskan haddiiba ay u baahato.

Waxa hadda kahor taagan inay Madrid dhammaystirto saxeexa kubad dilaha ree Uruguay ayaa ah inay dirto mid kamida xiddigaha kooxdeeda, Hector Herrera iyo Thomas Lemar ayaa midkood la filayaa inuu ka bixi doono Rojiblancos.

Heshiiskan ayaa ah mid gabi ahaanba ka madax-banaan midka ay Arsenal isla kooxdaas kaga doonayso xiddiga ay Torreira isku booska yihiin ee Thomas Partey.

Kooxda uu madaxa u yahay Simeone ayuu cad yahay warkeeda ku aadkan iibka Thomas Partey waxaana ay Gunners u sheegeen inay bixiyaan lacagta 50-ka Milyan ee euro ah ee heshiiskiisa ku xidhan si ay u helaan.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.