Willian Borges Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay Inuu Chelsea Ka Tagayo & Nuxurka Warqad Qiiro Leh Oo Uu Qoray

Garabka weerar ee ree Brazil ee Willian Borges ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu ka tagayo kooxdii uu mudada toddobada sano ah kasoo tirsanaa ee Chelsea oo uu kula soo guuleystay koobab badan oo waaweyn.

Willian oo maanta 32 sano jirsaday ayaa lala xidhiidhinayay dhawaanahnba inuu iskaga tagi doono kooxda ree London iyadoo kooxda ugu cad cad inay saxeexiisa heshaa ay tahay Arsenal oo qudheedu gudaha London ah.

Image

Sababta ugu weyn ee uu Willian Borges uga dhaqaaqayo Blues ayaa ah inay madaxda kooxdaas isku fahmi waayeen tirada sanadaha uu kooxda heshiis kordhinta u samaynayo.

Willian iyo Chelsea ayaa labaduba soo caddeeyay inay kala doonayaan heshiis cusub balse ciyaaryahanka ree Brazil ayaa isagu doonayay qandaraas saddex sano ah halka ay kooxdiisu kaliya laba sano diyaar ula soo ahayd.

Willian oo hadda si rasmi ah ugu dhawaaqay bixitaankiisa Chelsea ayaa waraaq furan oo qalbiga taabanaysa ku macasalaameeyay kooxda uu sanadaha badan qaybta kasoo ahaa.

Willian ayaa sheegay inay hubaal tahay inuu u xiisi doono jamaahiirta Chelsea iyo waliba shaqaalaha kooxda oo uu ku sifeeyay kuwo ula soo dhaqmayay mudo dheer sida wiilkooda oo kale.

“Haatan waxa yimid wakhtigii aan dhaqaaqi lahaa, anigu hubaal waxaan u xiisi doonaa xiddigihii aanu isku kooxda ahayn, anigu waxaan u xiisi doonaa dhammaan shaqaalaha kooxda ee markasta iila dhaqmayay sida wiil ay dhaleen, waxaan u xiisi doonaa jamaahiirta” ayaa ahayd nuqul kamid ah waraaqda furan ee Willian.

“Waxaan tagayaa aniga oo madaxaygu sarreeyo, si wanaagsan u garanaya inaan koobab halkan ugu soo guuleystay oo aan markasta waxayga ugu wanaagsan kusoo sameeyay maaliyada Chelsea”

Willian ayaa sanadkii 2013 oo uu Chelsea kusoo biiray ilaa 2020 usoo ciyaaray 339 kulan isaga oo 63 gool soo dhaliyay 62 kalena caawiye kasoo ahaa.

32 sano jirkan ayaa mudadaas toddobada sano ah Chelsea kula soo guuleystay laba horyaal Premier League, Europe League, FA Cup iyo Carabao Cup.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.