DEG-DEG: Wakiilka Edinson Cavani Oo War Buuxa Kasoo Saaray Haddii Xiddigiisu Man United Ku Biirayo & Xaalada Oo Dhinac U Dhacday

Wakiilka ahna walaalka weeraryahanka aadka ugu dhaw inuu Man United ku biiro ee Edinson Cavani ayaa ka hadlay wararka saacadihii ugu dambeeyay soo baxayay ee sheegaya in ciyaaryahanka uu masuulka ka yahay ku dhaw yahay Old Trafford.

Cavani ayaa bilooyin kahor iskaga tagay Paris Saint-Germain kaddib markii uu dhacay qandaraaskii uu kooxdaas kula joogay.

Wakiil Walter Guglielmone oo si buuxda haatan u xaqiijiyay wararka Cavani ee ah inuu Man United ku biirayo ayaa yidhi “Waa xaqiiqo, waxa jira heshiis la gaadhay”

Cavani oo aan kulan ciyaarin tan iyo bishii March ee sanadkan markii horyaalka Ligue 1 ee France la kansalay ayaa xilli dambe oo maanta ah tijaabada caafimaadka u mari doona Red Devils.

Waxaan wali si rasmi ah loo ogayn tirada sanadaha uu Man United u saxeexayo Cavani balse wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu hal sano oo sanadka labaad doorasho yahay qalinka ku duugi doono.

33 sano jirkaas ayaa toddoba xilli ciyaareed oo xidhiidh ah kusoo qaatay Paris Saint-Germain isaga oo intaas kahor horyaalka Talyaaniga gaar ahaan kooxaha Napoli iyo Palermo wakhti kusoo qaatay.

Kooxaha kale ee uu wadahadala la yeeshay Cavani kahor Man United ayaa ahaa Leeds United iyo Benfica balse ugu dambayn mushaharaadkiisa qaaliga ah oo ay Manchester ogolaatay ayaa sahlay inuu usoo wareego Old Trafford.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.