DEG-DEG: UEFA Oo Shaaciyay Xiddigii Wareegii Siddeeda Ugu Wanaagsanaa Champions League – Muller, Dembele Mise Neymar?

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay ciyaaryahanka ku guuleystay xiddigii toddobaadkan ee UEFA Champions League oo maalmihii ugu dambeeyay wareegiisii siddeed dhammaadka lasoo af-meeray.

Guushaas ayay ku tartamayeen garabka Paris Saint-Germain ee Neymar JR, kubad sameeyaha Bayern Munich ee Thomas Muller, daafaca xoogan ee RB Leipzig ee Dayot Upamecano iyo dhaliyaha Lyon ee Moussa Dembele oo dhammaan kooxahoodu wareega afarta gaadheen.

Image

Xiddiga ugu dambayn ku guuleystay ayaa ah Neymar oo PSG kasoo caawiyay inay dhaafto kooxda Talyaaniga ka socotay ee Atlanta oo ay guul xilli dambe ah oo rafaad badan ka gaadheen.

Neymar ayaa kulankii Atlanta qaybtiisii hore khasaariyay laba fursadood oo cadaan ah oo uu goolal ku dhalin karayay taas oo dhalisay in wakhtigii nasashada si xoogan loo dhaliilo.

28 sano jirkaas ayaa qaab ciyaareed weyn lasoo laabtay qaybtii dambe isagoo caawiye ka ahaa goolkii ay bar-bardhaca ku keentay kooxdiisu ee uu daqiiqadii 90-aad dhaliyay Marquinhos.

Xog ahaan Neymar ayay ka wanaagsan yihiin xiddigaha la tartamayay qaarkood sida Thomas Muller iyo Dembele oo min laba gool usoo dhaliyay Bayern Munich iyo Lyon.

Waxa uu Neymar abaalmarintan ku mutay ayaa ah inuusan jirin hal ciyaaryahan oo kuwa la loolamayay ah kaas oo u halis badnaa sidiisa oo kale, xog ururinta ayaa sheegaysa in uu 16 goysmo ku dhaafay xiddigaha Atlanta ciyaartaas waana tiradii ugu badnayd ee hal kulan laga sameeyo tan iyo 2008.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.