DEG-DEG: Tababaraha Ay Barcelona Magacaabayso Oo La Ogaaday – Xavi, Pochettino Mise Koeman?

Kooxda Barcelona ayaa u muuqata mid xilli horeba gaadhay go’aanka tababaraha xiga ee ah u dhiibayso jagada macalinimo ee kooxdeeda kaddib markii ay xilli ciyaareed koobab la’aan ah oo gabi ahaanba musiibo ah soo qaadatay.

Barcelona ayaa la filayaa inay deg-deg shaqada tababarenimo uga caydhiso Quique Setien oo ay bilooyin kahor magacaabeen balse ku guuldarraystay inuu natiijooyin la taaban karo oo wanaagsan kooxdaas uga keeno tartamadii ay ku jirtay.

Barcelona ayaa horyaalka La Liga oo  mudadii go’doonka xanuunka Korona hoggaanka u haysay horyaalka La Liga ayaa ugu dambayn weyday koobkaas iyagoo shan dhibcood ka dambeeyay kooxda ay xifaaltamaan ee Real Madrid oo guuleystayaasha ahaa.

Intaas kaddib Barcelona ayaa la filayay inay xooga saari doonto Champions League oo ay natiijo wanaagsan ka keeni doonto balse dhawaan ayay qaabkii ugu fadeexada badnaa ugaga hadheen gacmaha Bayern Munich oo 8-2 ku xasuuqday.

Haddaba, kaddib natiijadaas bahdilaada ahayd, maamulka sarre ee Barca oo uu ugu horreeyo madaxweyne Josep Maria Bartomeu ayaa go’aan ku gaadhay inaysan booska tababarenimo kusii haysan Setien.

Sida uu hadda sheegayo saxafiga aadka loogu kalsoon yahay wararka uu soo tabiyo ee Fabrizio Romano, Barcelona ayaa booska tababarenimo u dooratay tababaraha xulka qaranka Holland ee Ronald Koeman.

Fabrizio ayaa sheegay in Koeman uu shaqada tababarenimo ee xulka Netherlands kasoo dhaqaajin doono isla markaana shaacinta rasmiga ah ee heshiiska uu ugu biirayo Blaugrana la rajaynayo gudaha toddobaadkan.

Koeman ayaa dhawr mar oo hore si cad u sheegay inuu doonayo inuu tababare u noqdo kooxda uu ciyaaryahan ahaan halyeeyga uga yahay balse mudo dheer ixtiraamayay shaqada Holland oo uu doonayay inuu Euro 2020 kala qayb galo kahor intii aan 2021 dib loogu dhigin.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.