DEG-DEG: Guardiola Oo Xaqiijiyay In Da’yar Kale Oo Mustaqbal Weyn Lehi Man City Ka Baxayo & Kooxda Ugu Cad Cad Saxeexiisa

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in da’yarka daafaca dhexe ee kooxdiisa ee Eric Garcia uu doonayo inuu gabi ahaanba iskaga tago kooxda.

Dhawaan ayay ahayd markii uu isla Guardiola sidan oo kale ugu dhawaaqay inuu bixitaan doonayay Leroy Sane kaas oo ugu dambayn ka dhabeeyay rabitaankiisii kuna biiray kooxda Bayern Munich oo mudo dheer saxeexiisa lala xidhiidhinayay.

Haatan Guardiola ayaa markale isaga oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horreeya kulanka habeen dambe ee Real Madrid ku dhawaaqay in Eric Garcia uu rabo inuu gabi ahaanba kooxda ka dhaqaajiyo.

Da’yarkan oo xilli ciyaareedkan fursada uu kusoo galay safka koowaad ee City ka helay Guardiola ayuu qandaraaskiisa Etihad Stadium hal sano oo kale ka hadhay isaga oo aan wax xiiso ah u qabin inuu heshiis kordhin sameeyo.

Pep oo arrimaha Garcia ka hadlaya ayaa yidhi “Eric Garcia anaga ayuu noo xaqiijiyay inuusan doonayn inuu kordhiyo qandaraaskiisa City, isagu waxa uu haystaa hal sano oo kale intaas kaddibna ma doonayo inuu sii dheereeyo (Qandaraaska)”

“Anagu waanu doonaynay laakiin isagu ma doonayo, waxaanu sawiranaynaa inuu doonayo inuu ka ciyaaro meel kale”

Kooxda ree Spain ahna kooxdii hore ee tababare Guardiola ee Barcelona ayaa mudo dheer isha la raacaysay Garcia oo qudhiisu dhalasho ahaan Spain kasoo jeeda iyagoo ka dhigtay bar-tilmaameedkooda koowaad ee xagaaga.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.