DEG-DEG: Natiijada Baadhitaanka Raheem Sterling Ee Caabuqa Korona Oo La Ogaaday & Haddii Xulka England Looga Wacayo

Garabka kooxda Manchester City ee Raheem Sterling ayaa maray tijaabada caafimaadka ee caabuqa Korona kaddib markii dhawaan looga shakiyay inuu soo qaaday xanuunkaas xilli kulamo caalami ahi soo dhaw yihiin.

Arrinta sababtay in xanuunkaas looga shakiyo Raheem ayaa ahayd inuu habeenimadii Jimcihii ka qayb galay xaflad uu qabsaday orodyahanka ree Jamaica ee Usain Bolt.

Manchester City : les solutions concrètes de Raheem Sterling pour ...

Orodyahanka siddeeda jeer kusoo guuleystay bilada dahabka ah ayaa qudhiisu halis u galay xanuunka isaga oo is karantiimay isla markaana sugaya natiijada laga soo sheegi doono baadhitaankiisa.

Si kastaba, sida ay haatan warbaahintu sheegayso Raheem Sterling ayaa soo laabtay isaga oo ka fayow xanuunkaas kaddib baadhitaanadii loogu soo sameeyay dalka Jamaica waxaana uu rajaynayaa inuu qayb ka noqdo liiska xiddigaha xulka England ee uu Gareth Southgate xulanayo.

Sida uu sheegayo il-wareedka Sky Sports, Sterling ayaa hadda dareemaya wanaag badan oo aan lahayn calaamadaha xanuunkaas balse tijaabo kale lagu samayn doonaa maalmaha soo socda.

Sterling ayaa si deg-deg ah ugu soo laaban doona garoomada gaar ahaan kulamada xulkiisa England haddiiba tijaabada kale ee uu maraa ay noqoto mid xanuunka lagaga waayo.

Tababare Southgate ayaa maanta shaacin doona liiska xiddigaha xulkiisa uga qayb galaya kulamada Iceland iyo Denmark ee Nations League ka tirsan waxaana la filayaa in Sterling uu kusoo bixi doono.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.