DEG-DEG: Musiibada Dhaawacyada Liverpool Oo Sii Xoogaysatay & Xiddig Laf-Dhabar U Ah Reds Oo Caawa Maqnaanaya

Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa caawa booqanaysa dhigeeda Aston Villa kulan xoogan oo la filayo in labada kooxood garoonka dhexdiisa kubadda ku dagaalami doonaan.

Aston Villa ayaa la xasuustaa inay kulankii Villa Park ee xilli ciyaareedkii hore ku adkaysay Liverpool ilaa daqiiqadii 86-aad iyagoo 1-0 ku lahaa kahor intii aysan Reds soo laabasho cajiib ah ka samaynin kulanka.

Mid kamida dhibaatooyinka ay kulankan ayaa ah inuu maqnaan doono Sadio Mane oo kamida xiddigaha kooxdeeda ugu muhiimsan haddiiba uusan ahayn midka ugu muhiimsan wakhtigan.

Laakiin kaas ayaan noqon doonin maqnaanshaha kaliya ee ay Liverpool kulankaas wajahayso maadaama oo war hadda soo baxay uu sheegayo inuu sidoo kale maqnaan doono goolhaye Alisson Becker oo udub dhaxaad u ah shaxda Jurgen Klopp.

Alisson ayaa xilli ciyaareedkii hore mudo ka maqnaa Liverpool waxaana la xasuustaa in si toos ah loo dareemay muhiimadiisa kulamadaas.

Becker ayaa la filayay inuu maqnaado kulankii ay kooxdiisu toddobaadkii hore la yeelatay kooxda Arsenal laakiin midaas ayaan dhicin isaga oo wakhtigaas taam buuxa u noqday kulanka.

Sida uu hadda sheegayo The Athletic, Liverpool ayuu Alisson ka maqnaan doonaa sababtoo ah inuu dhaawac ku gaadhay tababarka, waxaan wali si buuxda loo ogayn mudada uu dhaawacani ku sababi doono inuu garoomada ka maqnaado.

Goolhayaha dookha labaad ee Liverpool ee Adrian ayaa la filayaa inuu shaxda tababare Klopp kusoo bixi doona ciyaarta caawa

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.