DEG-DEG: Messi-ga Carbeed Ee Said Benrahma Oo Ku Dhacay Tijaabada Caafimaadka Ee Koox Weyn Oo Premier League Ah Oo Uu Maanta Ku Biirayay

Ciyaaryahanka garabka weerar ee kooxda Brentford iyo xulka qaranka Algeria ee Said Benrahma ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhacay tijaabada caafimaadka oo uu u marayay kooxda Premier League ee West Ham United.

Said ayaa qarka u fuushanaa inuu Hammers ku biiro maanta oo ah maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga ee gudaha England balse qandaraaska 25-ka Milyan ee Pound ah ee uu London Stadium kaga degayay ayaa halis ku jira.

Image

Sida uu sheegayo wargeyska Daily Mirror oo ah midka xogtan laga helayaa, dib u dhaca ah in Benrahma uu ku dhacay tijaabada caafimaadka ee West Ham United ayaa ah mid kamida caqabado dhawr ah oo kooxda ree London ku qabsaday saxeexiisa.

West Ham United ayaa la fahamsan yahay inay warkan heshay xilli hore oo subaxii Jimce oo maanta ah balse ay wadaan inay helaan wado ay heshiiska kaga dhigaan mid hirgala.

il qayb ka ah kooxda Benrahma ee Brentford oo u warramay Mirror ayaa yidhi “Wali waxba lama dhammaystirin, wadahadaladu way socdaan”

Said iyo kooxdiisa ayaa ahaa kuwo isku dhacay balse khilaafkooda ayaa la xaliyay kaddib markii uu kasoo laabtay waajibaadkiisa qaran ee Algeria.

Heshiiska ayaa u muuqda mid bur-buraya haddiiba aan xal deg-deg ah la helin kahor 7:00 fiidnimo ee caawa oo ah xilliga uu wakhtiga uu suuqu xidhmayo ku beegmayo.

Benrahma ayaa doortay West Ham isaga oo diiday dalab uga yimid Talyaaniga bishii August sidoo kalena liiska doonista saxeexyada January ee laba kooxood oo Champions League ku jira ka qayb ahaa.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.