RASMI: Manchester City Oo War Rasmi Ah Ka Soo Saartay Go’aankii Maxkamada CAS Ka Gaadhay Ganaaxii Champions League Laga Saaray.

Manchester City ayaa war-saxaafadeed degdeg ah kasoo saartay go’aanka maxkamadda CAS ay ku laashay ganaaxii labada sannadood ahaa ee UEFA ay kaga mamnuucday tartanka Champions League iyadoo lagu eedeeyey inay jabisay sharciga dhaqaale wanaagga.

CAS ayaa Man City ka tuurtay qodobkii adkaa ee ahaa inaanay ka qayb-gelin Champions League, waxaanay hadda xor u tahay inay isku diyaariso in sidii caadiga ahayd ay uga qayb-gasho xili ciyaareedka dambe, laakiin ganaaxii lacagta ee UEFA ee 30ka milyan ee Euro ahaa ayaa lagu soo kooban 10 milyan oo lagu bixinayo 30 maalmood gudahood.

City
City

Isla daqiiqaddii uu soo baxay qaraarka maxkamadda ayay Manchester City soo saartay war-saxaafadeed ay kaga jawaabayso go’aanka, waxaanay gacmo furan kusoo dhoweysay qaraarka CAS iyadoo tilmaantay in marka horeba ay rumaysnayd in aanay wax dembi ah gelin.

War-saxaafadeedka ay Man City soo saartay ayey ku tidhi: “Inkasta oo Manchester City iyo lataliyeyaasheeda dhinaca sharcigu aanay si buuxda u naaqishin qaraarka kasoo baxay maxkamadda garsoorka khilaafaadka ciyaaraha (CAS), haddana kooxdu waxay soo dhoweynaysaa in xukunka maantu uu markhaati u yahay in naadigu saxsanaa oo ay awoodday inay caddaymo soo bandhigto. Naadigu wuxuu  uga mahadcelinayaa xubnaha guddida dedaalka ay muujiyeen iyo sidii ay u maaluleen hawsha muddadii ay socotay.”

Manchester City waxay hore u caddaysay in aanay wax dembi ah gelin oo ay xor ka tahay waxa ay UEFA ku eedaysay, laakiin maxkamadda CAS waxay qirtay inuu jiray qalad aan mudnayn ciqaabta culus ee xidhiidhka kubadda cagta Yurub uu saaray ay gashay City, taas oo ciqaabteedana laga dhigay 10 milyan oo Euro oo ganaax ah.

Si kastaba, Man City oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Premier League, mar horena xisaab ahaan ugu gudubtay tartanka Champions League ee xili ciyaareedka dambe, waxay niyadda wanaagsan ee ay go’aankan ka heshay ay kala hor tegi doontaa Real Madrid oo bisha dambe ay ku ballansan yihiin lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League, iyadoo lugtii horena ay 2-1 kaga soo guuleystay garoonka Santiago Bernabeu.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.