DEG-DEG: Man United Oo Warkii La Sugayay Kasoo Saartay Xaalada Edinson Cavani & Kulankiisa Ugu Horreeya Ee Red Devils

Kooxda Manchester United ayaa warbixin rasmi ah kasoo saartay xaalada weeraryahanka cusub ee kooxdeeda ee Edinson Cavani iyo haddiiba uu diyaar u yahay kulankooda ugu soo horreeya ee ay booqan doonaan dhigooda Newcastle United.

Cavani ayaa maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga si rasmi ah ugu soo biiray Manchester kaddib markii ay kooxdaasi weyday badi ciyaaryahanadii ay suuqa ugu jirtay.

Cavani ayaa ku qasbanaaday inuu karantiinka xanuunka Korona galo kaddib heshiiskii bilaashka ahaa ee uu Old Trafford ugu soo wareegay iyadoo isla karantiinkaas sababtiisa uu u seegi doono ciyaarta Newcastle sida ay haatan kooxdiisu shaacisay.

Edinson ayaa tan iyo markii uu ku biiray Man United gurigiisa tababar ku qaadanayay waxaana kulanka xiga ee uu diyaarka u noqon doonaa uu yahay midka Red Devils ay booqanayaan kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain ee Champions League ka tirsan.

Cavani ayaa xataa kulankaas u haysta fursad yar inuu kusoo bilawdo shaxda maadaama oo uusan taam u wada ahayn inuu kulan buuxa ciyaaro oo uu mudo dheer garoomada ka maqnaa waxaana macquul ah inuu bedel kusoo galo.

Warbixinta ay soo saartay Manchester ayaa lagu sheegay in kulanka ugu horreeya ee Cavani uu noqon karo mid uu wajaho PSG balse ay ku xidhantahay shuruuda ah inuu taam yahay.

Warbixinta ay United soo saartay ayaa u dhigan sidan “Xiddiga heer caalami ee Uruguay ayaa diyaar u noqon doona inuu Champions League kaga hortago kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain, haddii uu taam yahay oo uu diyaar u yahay ciyaarta”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.