DEG-DEG: Man United Oo Heshiis Cusub Ka Saxeexatay Xiddiga Lagu Sifeeyo Askariga Kooxdeeda & Dareenkiisa Oo Uu Ka Hadlay

Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay heshiis cusub ka saxeexatay bur-buriyaha kooxdeeda ee Nemanja Matic kaddib bandhigyo cajiib ah oo uu soo sameeyay xilli ciyaareedkan gaar ahaan tan iyo markii ay kubadda cagtu soo laabatay.

Matic ayaa marar kamid ah xilli ciyaareedkan kusoo fashilmay inuu si joogto ah ugu soo baxo shaxda tababare Ole Gunnar Solskjaer iyadoo markasta laga doorbidayay Fred iyo Scott McTominay.

Matic

Kaddib soo laabashadii Premier League ee gudaha bishii hore ee June, Matic ayaa si joogto ah khadka dhexe lamaane ugula soo ahaa Bruno Fernandes iyo Nemanja Matic iyadoo lagu soo sifeeyay askariga safka Solskjaer.

Haddaba, kaddib bandhigyadaas wanaagsan ee uu soo sameeyay, Nemanja ayaa kasbaday inuu heshiis cusub ka helo Red Devils waxaana uu goor dhawayd qalinka ugu duugay qandaraas ilaa June 2023 gaadhsiisan.

Xiddiga ree Serbia oo dareenkiisa cabirray kaddib qandaraas kordhinta uu sameeyay ayaa sheegay inuu ka ciyaaryahan ahaan wali leeyahay tayo uu wax badan koox ugu kordhin karo isla markaana uu ku faraxsan yahay inay kooxdaasi noqoto Manchester.

Nemanja ayaa isaga oo dareenkiisa ka hadlayay yidhi “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan sii wadi doono inaan qayb ka ahaado kooxdan weyn”

“Ka ciyaaryahaan ahaan waxaan wali qabaa wax badan oo ay tahay inaan bixiyo iyo wax badan oo ay tahay inaan gaadho waayahayga ciyaareed, inaan ku gaadho Manchester United waxay noqon doontaa sharaf weyn”

Matic ayaa dhinaca kooxda Chelsea kaga soo biiray Man United sanadkii 2017, tan iyo wakhtigaas ayuu kooxda ku ciyaarta Old Trafford soo metelay 114 kulan.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.