DEG-DEG: Liverpool Oo War Saxaafadeed Ka Soo Saartay Dabaal Dega Kooxdeeda Ee Koobka Premier League Iyo Dareenka Ku Xeeran.

Kooxda kubbada cagta Liverpool ayaa soo saartay war saxaafadeed kaas oo la xidhiidha in ay markii ugu horaysay koobka Premier league ku gudoomi doonaan Anfield muddo sodon sanadood ah waxaana warkan qayb ka ah maayirka magaalada Liverpool iyo golaha degaanka iyo waliba booliiska gobolka Merseyside.

Maamulka kooxda Liverpool, golaha degaanka magaalada Liverpool, booliiska iyo kooxda taageerayaasha Liverpool ee Spirit of Shankly ayaa isku kaashanaya sidii jamaahiirta Liverpool loogu qancin lahaa in ayna guryahooda ka soo bixin oo ayna jabin sharciga go’doonka fayraska karoonaha.

War saxaafadeedka Liverpool soo saartay ayaa lagu bilaabay: “Booliiska Merseyside waxa uu kala shaqaynayaa kooxda kubbada cagta Liverpool, golaha magaalada Liverpool, iyo Spirit of Shankly ka hor kulanka todobaadkan ee Chelsea ee Anfield”.

“Wada jir waxaanau taageerayaasha ugu boorinaynaa in ay ciyaarta ka daawadaan guryahooda oo ay naftooda, qoysaskooda, asxaabtooda iyo dariskooda ay nabad qab ku ilaaliyaan” ayaa qoraalka Liverpool la sii raaciyay.

Warka Liverpool oo sii socda ayaa lagu yidhi: “Kulanku waa kulanka ugu danbeeya Liverpool FC ee guriga ee xili ciyaareedkan, waxa uu ku bilaaban doonaa iyada oo Anfield albaabadu u xidhan yihiin Arbacada July 22, saacada 8:15 BST kaas oo koobka Premier League lagu qaadi doono”.

Liverpool ayaa muhiimada kulankan iyo shaqada la qaban doono soo bandhigtay waxaana qoraalka oo sharaxaad badan leh lagu yidhi: “Kani waa habeen muhiimad u leh dhamaan taageerayaasha Liverpool ee magaalada iyo aduunka oo dhan iyada oo garoonka dhexdiisa lagu qaadi doono koobka”.

“Kooxda iyo shirkadaha TV-yadu waxay sameeyeen diyaar garow taxadar leh si ay u hubiyaan in malaayiinta dadka ahi ay muraayada ama dhalada TV-yada ugu raaxaysan karaan waqtigan khaaska ah iyaga oo jooga raaxada guryahooda”.

“Waqtigan kursiga ugu fiicani waa qolka fadhiga ee guriga, si sahlan wax faa’iido ahi kuma jirto in aan garoonka tagt, ka magaalo ahaan ma awoodno in ay tiro badan oo dad ahi isku soo ururaan”.

“Wali waxaynu dhamaanteen ku jirnaa waqtiyo aan hore loo arag ee sababta caabuqa koroonaha, waxa ugu danbeeya ee uu qof kastaaba sugayaa waa samirka Merseyside”.

Booliiska gobolka Merseyside ayaa diyaar garow wayn ugu jira sidii loo xakamayn lahaa haddii ay qaybo ka mid ah taageerayaasha Liverpool u soo baxaan barxada Anfield si ay kooxdooda oo koobka sare u qaadaysa ugu arkaan kulanka Anfield ee Chelsea.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.