Liverpool Oo Qarka U Saaran Saxeexeedii Labaad Xagaagan, Xiddigan Oo ETHIOPIAN Ah & Booska Uu Ka Ciyaaro

Kooxda Liverpool ayaa u muuqata mid dhammaystirtay saxeexeedii labaad ee suuqa xagaagan oo u noqonaya da’yarka ree Germany ee hibada wanaagsan leh ee Melkamu Frauendorf.

Heshiis rasmi ah ayaysan wali Liverpool shaacinin balse 16 sano jirkaas ayaa sameeyay talaabo weyn oo uu ku caddaynayo inuu xiddig Reds ah yahay isaga oo bedelay qaybta uu ku sifeeyo arrimaha noloshiisa (Biography) ee Instagram isaga oo ku xusay LiverpoolFC.

Weeraryahankan ree Germany balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Ethiopia ee Frauendorf ayaa kasoo qayb ahaa akaademiga kooxda Hoffenheim ayaa la filayaa inuu akaademiga Liverpool ka qayb noqon doono kaddib markii heshiiskiisii kooxda ree Germany uu dhacay.

Frauendorf ayaa boos ahaan ka ciyaara khadka dhexe ee weerarka balse sidoo kale ka ciyaari kara booska garabka bidix ee weerarka, waxa uu afar kulan soo metelay xulka Germany ee da’doodu 16-ka ka hooseyso.

Labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ayuu Frauendorf soo dhaliyay toddoba gool halka uu shan kale caawiye kasoo ahaa markii uu u ciyaarayay kooxda 17 sano jirada ka yar ee Hoffenheim.

Maaha markii ugu horreysay ee ay Liverpool weerar dhinaca suuqa ah ku qaado kooxda Hoffenheim balse waxa ay sidoo kale sanadkii 2015 kala soo wareegeen Roberto Firmino.

Reds ayaa hadda dalka Austria ugu maqan isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, maanta oo Salaasa ah ayay kulan la yeelan doonaan kooxda Red Bull Salzburg kahor inta aysan England ku laaban.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.