RASMI: Liiska SIDDEED Xiddig Oo Ku Tartami Doona Da’yarkii Sanadka Ee Premier League Oo Lagu Dhawaaqay & Kooxaha Awooda Ku Qabsaday

Maamulka horyaalka Premier League ayaa ku dhawaaqay liis ka kooban siddeed ciyaaryahan oo ku tartami doona abaalmarinta da’yarka sanadka ee horyaalkaas xilli ay hal koox awood cadaan ah ku qabsatay.

Siddeedan da’yar ayaa kala ah xiddigaha Man United ee Anthony Martial, Marcus Rashford iyo Mason Greenwood, dhigooda Chelsea ee Mason Mount iyo Christian Pulisic, goolhayaha Sheffield United balse amaahda uga maqan Man United ee Dean Henderson, kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish iyo hibada Liverpool ee Trent Alexander Arnold.

Image

Aan ku bilawnee Marcus Rashford iyo Anthony Martial ayaa min 17 gool oo Premier League ah soo dhaliyay xilli ciyaareedkan, Rashford ayaa 7 gool caawiye kasoo ahaa halka Martial uu lix soo caawiyay.

Mason Greenwood oo ku jiray xilli ciyaareed uu tayadiisa banaanka soo dhigay ayaa 31 kulan oo uu badi bedel ku imanayay 10 gool kusoo diiwaan gashaday.

Dhinaca kale goolhayaha Sheffield United ee Dean Henderson ayaa udub dhaxaad usoo ahaa kooxdiisa isaga oo 36 kulan oo uu ciyaaray 13 kamid ah shabaqiisa ilaashaday kana caawiyay Blades inay booska 9-aad ku dhammaystaan xilli ciyaareedkii koowaad ee ay kusoo laabteen Premier League.

Da’yarka Chelsea ee Mason Mount oo fursad iyo aaminaad ka helay tababare Frank Lampard ayaa 7 gool iyo shan caawimo soo sameeyay isaga oo kasoo caawiyay kooxdiisa inay booska afraad kaga dhammaysato miiska kala sarreynta.

Christian Pulisic ayaa isagu kasoo kabtay qaab hoose oo uu xilli ciyaareedka ku bilawday waxaana uu ahaa gool dhaliyaha labaad ee ugu sarreeya kooxdiisa horyaalka kaddib 9 gool iyo afar uu caawiye ka ahaa.

Kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish ayaa door weyn ka qaatay in kooxdiisu ay baaqi kusoo ahaato Premier League isaga oo siddeed gool iyo lix caawimo soo sameeyay ahaana xiddiga ugu goolasha iyo caawinta badan kooxdiisa.

Ugu dambayn, Daafaca midig ee Liverpool ee Trent Alexander Arnold oo isagu sidoo kale u tartamaya abaalmarinta xiddiga sanadka ee Premier League ahna midka ugu cad cad hanashada abaalmarintan ayaa muhiim usoo ahaa ololihii ay horyaalka kusoo qaaday kooxdiisu isaga oo 13 caawimo soo sameeyay booska labaadna kaga jiray caawinta.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.