DEG-DEG: Laba Kamida Xiddigaha England Oo Laga Fasaxay Xulka & Mid Kamida Oo Chelsea Muhiim U Ah

Xulka qaranka England ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in xulka laga fasaxay labada xiddig ee kala ah Benjamin Chilwell oo koox ahaan Chelsea ka tirsan iyo Kieran Trippier oo qayb ka ah kooxda ree Spain ee Atletico Madrid.

Sida lagu shaaciyay warbixin rasmi ah oo kasoo baxday England, Trippier ayaa loo fasaxay sababo la xidhiidha arrimo shaqsi ahaaneed taas oo aan la shaacin balse lagu koobay inay tahay mid isaga khaas u ah.

Dhinaca kale Chilwell oo sidoo kale seegay guushii soo laabashada ahayd ee England uu ka gaadhay dhigiisa Belgium ayaa loosoo fasaxay sababtoo ah dhaawac cagta ah oo uu hore u qabay.

Dhaawaca Chilwell ayaa noqonaya mid waran ku noqda Chelsea iyo tababare Frank Lampard maadaama oo uu yahay mid kamida toddoba saxeex oo ay suuqii dhawaa kala saxeexdeen isla markaana booskiisa daafaca bidix muhiim u yahay.

Chelsea ayaa kasoo dhibtootay xilli ciyaareedkii hore booska daafaca bidix kaddib markii ay ku fashilmeen Marcos Alonso iyo Emerson Palmieri inay kasoo baxaan.

Chilwell ayaa ilaa hadda hal kulan oo Premier League ah ugu soo bilawday Blues isaga oo usoo muujiyay waxa ay tabayeen kaddib markii uu gool iyo caawimo isku darsaday ciyaartii ay 4-0 kaga adkaadeen Crystal Palace oo marti u ahayd.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.