DEG-DEG: Koox Heerka Labaad Uga Dhacday Premier League Oo Mag-Dhaw Doonaysa & Kooxda Ay Ka Cadhaysan Tahay Ee Looga Eexday

Kooxda dhawaan ka dhaadhacday horyaalka Premier League ee AFC Bournemouth ayaa doonaysa inay magdhaw ku hesho talaabo xilli ciyaareedkan la qaaday oo lagu sifayn karo mida dhalisay inay heerka labaad u dhacaan.

Kulanka ay ka cadhaysan tahay Bournemouth ayaa ah midkii dhex maray kooxaha Aston Villa iyo Sheffield United markaas oo ay Sheffield gool cadaan ah ka dhalisay Villa balse ay aalada goolka la shaqaysa ee “Goal Line Technology” ku fashilantay.

p1eeabr64c15qtjbgu1i1pei17t5b.jpg

Muranka ayaa ka dhashay kulankii ugu horreeyay ee la ciyaaray markii kubadda cagtu kasoo laabatay go’doonkii xanuunka Korona iyadoo laad xor ah oo uu soo laaday Oliver Norwood uu goolka la galay goolhaye Orjan Nyland.

Kulankaas ayaa kusoo dhammaaday bar-bardhac 0-0 ah iyadoo ay Aston Villa halkaas ka heshay dhibicda dhalisay inay xilli ciyaareedka dambe ka ciyaaraan Premier League isla markaana ay Bournemouth shan sano kaddib heerka labaad ku noqoto.

Sida uu hadda sheegayo kanaalka Sky Sports, kooxda lagu naanayso Cherries gaar ahaan boodhkooda ugu sarreeya ayaa ka doodi doona haddii ay tahay inay mag-dhaw u doontaan shikrada samaysay qalabka “Goal Line Technology” ee lagu magacaabo Hawk-Eye.

Waxa hubaal ah in qalabka garsoore caawiyaha ah ee VAR uu gabi ahaanba gool cad u badali lahaa dhacdadaas balse garsoorka kulanka ayaan dib u eegis samayn.

Kulankii ugu dambeeyay xilli ciyaareedka, Bournemouth ayaa ogayd inay u baahan tahay guul si ay usii joogto Premier League xilli ciyaareed kale sidoo kalena u baahnayd inay guuldarraystaan Watford iyo Aston Villa.

Cherries ayaa shaqadooda qabsaday oo 3-1 kaga soo adkaaday Everton oo ay booqdeen, Watford ayaa guuldarro kala kulantay Arsenal balse Aston Villa ayaa bar-bardhac lasoo gashay West Ham United.

p1eeacucrf1195mhc133d15qm996f.jpg

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.