DEG-DEG: Kabtan Jordan Henderson Oo Abaalmarin Weyn Ku Guuleystay & Xiddigaha Magaca Leh Ee Uu Ku Garaacay

Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sanadka ee qorayaasha kubadda cagta ee loo yaqaano Football Writers’ Association (FWA).

Kabtanka Liverpool ayaa tartankan ku garaacay xiddigaha kala ah Kevin De Bruyne oo Manchester City ah, Marcus Rashford oo Man United ah iyo xiddigaha ay koox wadaaga yihiin ee Virgil Van Dijk iyo Sadio Mane.

Qabsashada horyaalka ee Liverpool ee xilli ciyaareedkan ayaa laga dhex arkayay coddaynta maadaama oo ay xiddigaha kooxdaas ee Trent Alexander Arnold iyo Alisson Becker qudhoodu cod heleen balse Hendo ayaa ahaa shaqsiga helay in ka badan rubuc codadkaas ah.

Henderson oo guushan uu gaadhay fal-celin ka bixinayay ayaa sheegay in weynaanta abaalmarintan laga dareemayo magacyada hore ugu soo guuleystay isaguna uu ku faraxsan yahay shaqsiyaadka u coddeeyay iyo guud ahaan dalada qoraayada.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan sheego sida aan ula dhacsanahay taageerada kuwa aniga ii coddeeyay iyo guud ahaan ururka qoraayada kubadda cagta”

“Kaliya waa inaad eegto guulaystayaasheedii hore, oo ay ku jiraan tiro la iigu naxariistay inaan kula soo ciyaaray halkan Liverpool sida Stevie (Gerrard), Luis (Suarez) iyo Mo (Salah)”

Henderson ayaa noqday kabtankii ugu horreeyay ee Liverpool ah ee kor u qaaday horyaalka Premier League xilli Reds ay soo af-jareen sugitaankoodii 30-ka sano ahaa ee horyaalka ugu heerka sarreeya England.

Henderson ayaa xilli ciyaareedkan afar gool iyo shan caawimo kasoo sameeyay horyaalka xilli kooxda uu hormoodka u yahay ay kaliya saddex guuldarro lasoo kulantay.

Sida Shanta Kaalmood Ee Sarre Loo Kala Helay

1: Jordan Henderson

2: Kevin De Bruyne

3: Marcus Rashford

4: Virgil Van Dijk

5: Sadio Mane

Magacyada Tobban Xiddig Oo Kale Oo Coddayn Ku Helay FWA

Raheem Sterling, Aaron Wan-Bissaka, Sergio Aguero, Adama Traore, Jack Grealish, Danny Ings, James Maddison iyo Jonny Evans.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.