RASMI: Jurgen Klopp Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Tababaraha Sanadka Ee Premier League Ugu Fiican.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku guulaystay abaal marinta macalinka xili ciyaareedkan ugu fiicnaa horyaalka Premier league.

Tababare Jurgen Klopp oo xili ciyaareed rekoodh jabis ahaa la soo qaatay kooxdiisa Liverpool ayaa hantiyay abaal marinta Sir Alex Ferguson trophy ee tababaraha sanadka ee horyaalka Premier league ugu fiican.

Jurgen Klopp ayaa kooxdiisa Liverpool ka caawiyay in ay markii ugu horaysya ku guulaystay koobka premier league oo ay ka maqnaayeen muddo 30 sano ah iyada oo waliba Reds heshay dhibcihii abid ugu badnaa ee ay kooxdeedu koob horyaalka ah ugu soo guulaystay.

Liverpool ayaa xili ciyaareedkan ku guulaysatay koobka Premier league iyada oo 7 kulan hadhsanaayeen waxayna noqotay kooxdii abid ugu horaysay ee koobka horyaalka Ingiriiska hanatay iyada oo kulamada ugu badani hadhsanaayeen.

Tababare Jurgen Klopp ayaa sida aad muuqaalka hoose ka arki karto waxa uu u mahad celiyay tababarayaasha ugu codeeyay in uu ku guulaystay abaal marinta macalinka sanadka ee horyaalka Premier league ugu fiican.

Jurgen Klopp ayaa yidhi: “Waxaa igu waajib ah in aan sheego: ‘Waad mahadsan tihiin dadka aadka u badanow. Waxaan halkan u joogaa anaga oo ku hadlaya magaca tababarayaashayada”.

Sir Alex Ferguson ayaa abaal-marina guddoonsiiyey Jurgen Klopp, waxaanu ku amaanay shaqada uu qabtay, isagoo dhinaca kalena soo qaaday sida adag ee uu Marcelo Bielsa ugu dedaalay inuu Leeds United dib ugu soo celiyo horyaalka oo ay 16 sannadood ka maqnayd.

Ferguson ayaa yidhi: “Jurgen, waa heersare. Waxaan ka hadlayaa Leeds United oo 16 sannnadood oo 16 sannadood ka ciyaaraysay Championshipka iyo Liverpool oo 30 sannadood kaddib ku guuleysatay horyaalka. Waa wax cajiib ah.”

Jurgen Klopp ayaa haddaba sii sheegay in kooxdiisa Liverpool ayna difaacan doonin koobka Premier League balse ay weerar u gali doonaan sidii ay markale ugu guulaysan lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, macalinka reer Germany ayaa hantay abaal marinta tababaraha sanadka ee Premier league ugu fiican kadib markii uu Reds ka saaray koob la’aantii Premier League ee 30 ka sanadood soo jirtay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.