DEG-DEG: Heshiiskii Ousmane Dembele Ee Man United Oo Dhinac U Dhacay & Haddii Uu Saacadaha Suuqa Ka Hadhay Old Trafford Gaadhayo

Heshiiskii kooxda Manchester United ay ku doonaysay garabka weerar ee Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa la sheegayaa inuu dhinac u dhacay isla markaana ay labada kooxood iyo ciyaaryahankuba og yihiin go’aanka kama dambaysta ah.

Manchester ayaa u weecatay dhinaca Ousmane Dembele kaddib markii ay ku adkaatay inay helaan da’yarka heer caalami ee xulka qaranka England iyo kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

Jadon ayaa markii uu suuqu furmay iyo bilooyinkii ka horreeyayba ahaa bar-tilmaameedka koowaad ee Red Devils ee gudaha suuqan balse ugu dambayn kooxda ayaa diiday inay bixiso lacagta 108-da Milyan ee  Pound ah ee ay Dortmund ku doonayso.

United ayaa isku daygeeda Dembele ahaa inay amaah kaga soo qaadato Barcelona hal xilli ciyaareed laakiin ciyaaryahanka ayaa midaas diidanaa isagoo u sheegay in qaabka kaliya ee uu Old Trafford kaga degi karaa ahaa inay heshiis rasmi ah siiyaan.

Si kastaba, sida uu hadda sheegayo saxafiga France kasoo warrama ee xogtiisa lagu kalsoon yahay ee Mohamed Bouhafsi, heshiiskii United ee Dembele ayaa ah mid aan gabi ahaanba suurogali doonin.

Bouhafsi ayaa sheegay in Ousmane uu sii joogi doono Barcelona oo uu diirada saari doono xilli ciyaareedkan ka ciyaarista kooxdaas isla markaana uusan meesha oolin qorshe uu Camp Nou kaga baxayaa.

Ugu dambayn, Man United ayaa ilaa hadda suuqa kala saxeexatay khadkii dhexe ee Ajax ee Donny Van De Beek walow ay sidoo kale qarka u saaran yihiin loona badinayo inay maanta shaaciyaan saxeexyada Edinson Cavani iyo Alex Telles.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.