DEG-DEG: Halyeey Xavi Hernandez Oo Laga Helay Caabuqa Corona & Faah-Faahinta Warbixin Uu Xaaladiisa Kasoo Saaray

Tababaraha kooxda Al Sadd ahna halyeeyga kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa shaaciyay in laga helay xanuunka dunida sida saf marka ah u halakeeyay ee Korona Fayras.

Xavi Hernandez oo lala xidhiidhinayo inuu ka tababare ahaan ugu soo laaban doono Camp Nou ayaa is karantiimi doona waxaana uu seegi doonaa horraanta soo laabashada tartamada rasmiga ah ee Qatar gaar ahaan kulanka ay wajahayeen Al Khor.

Xavi anuncia que ha dado positivo en Covid-19

Xavi oo warbixin caafimaad oo rasmi ah soo saaray ayaa sheegay inuu kooxda uu madaxa u yahay ee Al Sadd kulaka Al Khor sii hoggaamin doono David Prats.

Dhinaca kale Hernandez ayaa sheegay in dhawr maalmood kahor laga helay xanuunka Korona isla markaaana uu wanaag dareemayo balse uu mudo karantiin ku jiri doono ilaa inta ogolaansho la siinayo.

Warbixinta Xavi ayaa odhanaysay sidan “Maanta ma awoodi doono inaan kooxdayda kula biiro kusoo laabashadooda tartanka rasmiga ah, David Prats ayaa wakiilkayga ahaan halkaas u joogi doona ka madaxa farsamada ahaan – si uu u tababaro keydka Al Sadd”

“Dhawr maalmood kahor, aniga oo raacaya hanaanka QSL, waxaa layga helay Korona Fayras tijaabadii ugu dambaysay, nasiib wanaag waxaan dareemayaa wanaag, laakiin waa la i karantiimi doonaa ilaa dhammaan ogolaanshaha cad la i siinayo”

Xavi ayaa dhawaanahan lala xidhiidhinayaa jagada macalinimo ee Barcelona, dhawaan ayuu heshiis kale oo hal sano ah oo gaadhsiisan ilaa June 2021 u saxeexay Al Sadd balse saxaafada ayaa aaminsan inuu yahay bar-tilmaameedka koowaad ee kooxdiisii hore.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.