RASMI: Goolhayaha Halyeeyga Ah Ee Iker Casillas Oo Kubadda Cagta Ka Fadhiistay & Xogta Waayihiisii Ciyaareed Ee Qurxoonaa

Goolhayaha halyeeyga u ah xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid isla markaana sanadihii ugu dambeeyay ka ciyaarayay FC Porto ayaa shaaca ka qaaday inuu kabihiisii laalay isla markaana uu kubadda cagta ka hawl-gabay.

Casillas ayaa 167 kulan usoo ciyaaray xulkiisa qaranka Spain isaga oo kabtankii ku hoggaamiyay koobkii aduunka ee 2010 ahaa si lamid ah la qaaday koobabkii Euro ee 2008 iyo 2010.

Casillas oo ku dhashay Mostoles oo ka tirsan Madrid ayaa kasoo baxay akaademiga kooxda uu halyeeyga u yahay ee Real Madrid isaga oo halkaas kasoo ciyaarayay ilaa uu u wareegay dhinaca FC Porto sanadkii 2015.

Casillas oo 39 sano jir ah ayaa wadne xanuun kusoo booday isaga oo tababar la samaynaya Porto bishii May ee sanadkii hore balse soo laabtay bilooyin kaddib.

Iker ayaa ah xiddiga labaad ee abid ugu safashada badan taariikhda Los Blancos isaga oo 725 kulan usoo ciyaaray intii u dhaxaysay 1999 ilaa 2015.

Halyeey Casillas ayaa kusoo guuleystay mudadaas shan koob oo horyaalka La Liga ah iyo saddex Champions League waxaana uu dhinaca safashada kulamada kaliya ka dambeeyaa saaxiibkiisii hore ee Real Madrid ee Raul Gonzalez.

Kaddib markii uu ku biiray Porto, Casillas ayaa kula guuleystay kooxdaas laba horyaal oo dalkeeda ah oo uu ku jira midka xilli ciyaareedkan hadda dhammaaday.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.